DAAWO SAWIRRO:- Wasiir Ciilmooge Oo Kormeeray Xarunta laga Hirgelinayo Internet-ka Fiber-optic

DAAWO SAWIRRO:- Wasiir Ciilmooge Oo Kormeeray Xarunta laga Hirgelinayo Internet-ka Fiber-optic

daajis.com:-Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi, Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Soomaaliya ayaa kormeerkiisa ka hor, kulan la qaatay mas,uuliyiinta shirkadda dhismaha iyo maamulka garoonka diyaaraha Muqdisho ee FAVORI, iyadoo kulanka ay ka qeybgaleen maareeyaha iyo maareeye ku-xigeenka garoonka, saraakiil sarre oo ka socday Wasaaradda Warfaafinta.

Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi, Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Soomaaliya ayaa kormeerkiisa ka hor, kulan la qaatay mas’uuliyiinta shirkadda dhismaha iyo maamulka garoonka diyaaraha Muqdisho ee FAVORI, iyadoo kulanka ay ka qeybgaleen maareeyaha iyo maareeye ku-xigeenka garoonka, saraakiil sarre oo ka socday Wasaaradda Warfaafinta.
Kulanka aya looga hadlay dhismaha casriga ah ee Garoonka Muqdisho ka socda iyo sidii loo horumarinta dhammaan adeegga uu u baahan yahay, iyadoo Wasiirka uu warbixinno amuurtaasi ku aaddan ka dhageystay saraakiisha shirkadda FAVORI ee dalka Turkiga.
Wasiir Ciilmooge ayaa bilaabay kormeer uu ugu kuurgalayay dhismaha garoonka iyo adeegyada Isgaarsiineedka ee waddanka lagu soo kordhinayo oo uu ugu muhiimsan yahay adeegga Internet-ka ee Fiber-optic cables, isagoo sidoo kale soo kormeeray qalab iyo Wiish casri ah oo loogu talagalay in lagu daabulo ama looga soo dajiyo diyaaraha xamuulka alaabaha ay kenaan.
Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa kormeer ku soo sameeyey xarunta ugu ballaaran ee lagu diyaarinayo Internet-ka Fiber-optic oo ah keydka akhbaarta Soomaaliya oo ay ka socdeen howlo lagu hirgelnayo, waxaana kormeerkiisa kaddib uu la hadlay warbaahinta qaranka oo uu kaga warramayay kormeerkiisa.
“Maanta  waxaan kormeer ku tegnay garoonka iyo howlaha ka socda sidoo kale Internet-ka Fiber-optic waxa uu diyaar noqon doono bisha soo socota, haddii uu Alle idmo, ee waxaana shirkadaha isgaarsiinta ugu baaqaya inaysan dhaq jalaq u siinin hadallada argagixisada ah oo ay sii labo jibaaraan adeegyada casriga ah ee ay bulshada u hayaan” ayuu yiri Wasiir Ciilmooge.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada