Dagaalka ku dhisan diinta ee dalka Afrikada Dhexe ayaa la sheegayaa inuu gaaray heer ay dadku is cunayaan.(Nin hilib dad ku cunay CAR)

Dagaalka ku dhisan diinta ee dalka Afrikada Dhexe ayaa la sheegayaa inuu gaaray heer ay dadku is cunayaan.(Nin hilib dad ku cunay CAR)

daajis.com:-Dagaalka ku dhisan diinta ee dalka Afrikada Dhexe ayaa la sheegayaa inuu gaaray heer ay dadku is cunayaan.
Weriye BBC-da ka tirsan oo ku sugan caasimadda dalkaas ee Bangui ayaa sheegay in koox dhallinyaro Kiristaan ah ah ay gaari kala dageen nin Muslin ah oo ay dileen.

Mid ka mid ah raggii dilka gaystay oo halkaas looga yeqaanno Mad Dog ama "eyga waalan" ayaa la sheegayaa inuu cunay hilibka ninka la dilay.

Aargoosi

Waxaa uu BBC-da u sheegay inuu sidaa u sameeyay in uu ka arrgoosta Muslimiinta oo uu sheegay inay dileen qaar ka mid ah qoyskiisa.
Sawir muuqaal ah oo laga qaaday dhacdadan ayaa muujinaya Mad Dog oo cunayo hilibka ninkaas.
Dad goobjoogayaal ahaa ayaa sheegay in ninka Muslinka gaariga lagala degay oo toorrey lala dhacay, ka hor intaan dab la qabadsiin.
Waxay sheegeen in aanay jirin cid isku dayday inay badbaadiso ninka la dilay.

Michel Djotodia

Madaxweynihii ugu horrey ee Muslin ahaa ayaa is casilay dhowr maalmood ka hor kaddib culays ay saareen waddamada gobolka.
Michel Djotodia ayaa lagu edeeyay inuu ku fashilmay inuu wax ka qabto dagaalka ku dhisan diinta ee dalkaas ka aloosan.
Tan iyo bishii December ee sanadkii tegay, waxaa dalkaas lagu dilay ugu yaran 1,000 ruux, iyadoo boqolaal kun ay barakaceen.

Maalin ka hor ayaa ciidanka Faransiiska, ee nabadilaalinta u jooga dalkaas, waxa u suuragashay inay nabad dhexdhigaan dablay hubaysan oo labada dhinac ka tirsan.
Gacanta ayaa lais geliyay waxayna labada dhinac sheegeen inay heshiiyeen.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada