Daawo Muuqaal:- Qoys lagu eedeeyey inay si adoonsinimo ku heysteen nin miskiin ah oo maskaxdiisa dhiman tahay!!

Daawo Muuqaal:- Qoys lagu eedeeyey inay si adoonsinimo ku heysteen nin miskiin ah oo maskaxdiisa dhiman tahay!!

daajis.com:-Maxkamada ku taalka magaaalada Sheffield ee dalkaas Ingiriiska ayaa waxaa la sheegay inay xukun ku riday qoys lagu soo eedeeyey inay si qasab ah iyo adoonsinimo ah ay ku heysteen nin miskiin ah oo maskaxdiisu yara dhiman tahay, iyadoona arinta la yaabka leh ay tahay inuu ninkaan la adoonsanaayey uu yahay wiil uu dhalay nin ka mid ahaan jirey saraakiisha ugu sareysa ee la dagaalanka adoonsiga iyo xoriyad ka qaadka dadka ee dalkaas Ingiriiska oo ka masuul ahaa badbaadinta iyo xoreynta in ka badan 200 oo qofood oo loo heystay adoonimo. 



Ninkaan xukunka ay maxkamadu ku riday oo lagu magacaabo David Rooke oo 44 sano jir ah kana ganacsada iibinta jalaatada ayaa waxay maxkamadu ay ku xukuntay 6 sano iyo bar xarig ah iyadoo sidoo kalena xaaskiisa oo lagu magacaabo Donna oo 40 sano jir ah lagu xukumay 4 bilood, halka wiil uu dhalay ninkaas oo lagu magacaabo Jamie oo 19.sano jir ah ay maxkamadu ay ku xukuntay asagana xarig gaaraayo ilaa iyo 4 sanadood, qoyskaan ayaa waxaa lagu soo eedeeyey inay si adoonsi ah oo qasab ah ku heysteen oo ay ugu shaqeysan jireen islamarkaana ay si naxariis daro ah ay mar walba jirdil joogta ah ay ugu geysan jireen nin lagu magacaabo Craig Kinsella oo 34 sano jir ah, ninkaan ayaa waxaa la seexin jirey meel dibada ka ah guriga asagoona mar walba la garaaci jirey islamarkaana aan la siin jirin raashin ama cunto ku filan laguna cariirin jirey cuntada, ninkaan oo ah mid xoogaa maskaxdiisu yara dhiman tahay ayaa waxaa kaamirada CCTV ka muuqda sida naxariis darada ah ee ay qoyskaas ula dhaqmayeen ninkaas miskiinka ah una jirdilayeen markasta. 





Ugu dambeyntiina iyadoo maxkamadii qaaday dacwadaas ay la yaab ku noqotey hab dhaqanka qoyskaas ee ninkaas miskiinka ah ayaa xaakinka lagu magacaabo Peter Kelson oo ka mid ahaa xaakimadii qaadaayey dacwada maxkamadaas waxaa uu ku tilmaamay inuu qoyskaas uu u ahaa ninkaas sida salada ama dambiisha lagu tababbarto asagoona ku yiri qoyskaass inay sadaxdoodaba uu ahaa ninkaas mid ay ku ciil baxaan marka ay sanifaan ama ay arin si ka noqoto, Arinta la yaabka leh ee dhacdadaan ku saabsan ayaa waxay tahay ka dib markii ay soo shaac baxday in ninkaas adoonsiga iyo qasabka lagu heystay uu yahay wiil uu dhalay ama uu soo korsday ilaa iyo 12 sano jirkiisii nin lagu magacaabo Nick Kinsella oo ah sarkaal sare oo ka tirsanaan jirey raga ugu waaweyn ee la taliyayaasha ka ah la dagaalanka iyo ciribtirka adoonsiga ee dalkaas Ingiriiska, Ninkaan oo ka naxay falka laga soo sheegay wiilkiisa ayaa waxaa uu ku gaabsaday in uu qofka caruurtiisa uu siin karo talo iyo hab raaca nololeed laakiinse uusan qofku awoodin inuu saacad walba la joogo ilmihiisa kana warhaayo xaaladooda asagoona ku tilmaamay waxa qabsaday wiilkiisa wax laga xumaado iyadoona uu sidoo kale sheegay inay tahay wax iska cad inaysan wali fari ka qodneyn wax ka qabashada arimahaas oo ay u baahan yihiin in xooga la saaro si wax looga qabto. 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada