DEG DEG AH: R/Wasaare Cabdi wali Sheekh oo kudhow Inuu Iscasilo & Khilafka MD Xasan (Dhegaysi)

DEG DEG AH: R/Wasaare Cabdi wali Sheekh oo kudhow Inuu Iscasilo & Khilafka MD Xasan (Dhegaysi)

daajis.com:-Muran ayaa ka taagan magacaabista golaha Wasiirada DF iyadoo warar laga helayo Villa Somalia ay sheegayaan in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha DF ay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin magacaabista wasiirada.
Wararkan ayaa sheegaya in Madaxweynaha DF Xasan Sh. Maxamuud uu aadugu dadaalaanyo in lagu daro Wasiirada Cusub ee xukuumada labada xubno si aad ah ugu dhow sida Faarax C/qaadir iyo C/kariin Xuseen Guuleed.
Ilaha warkan lagas oo xigtay ayaa intaas ku daray in ra’iisul wasaaruhu uu ka soo horjeedo in xubnihii xukuumadii hore dib loo soo celiy, maadaama ay sidaas kula taliyeen xildhibaano iyo waxgarad uu la kulmay.
Shalay oo sabti ahayd ayaa laguisa Wasiirada ku dhawaaqo, balse waxaa dib u dhac ku keenay kadib markii uu Madaxweynuhu diiday habka ay wax ku socdaan.
Lama oga xiliga rasmiga ah ee uu Ra’iisul Wasaaruhu ku dhawaaqayo golaha uu soo dhisayo, waxaana socda mooshin ay diyaariyaan xildhibaano kasoo horjeeda in dib loosoo celiyo Wasiiradii hore ee xukuumada.
Xildhibaanada Mooshinka diyaarinaya oo 50-meeyo ah ayaa waxay si aad ah uga soo horjeedaan in golaha Wasiirada lagu soo daro xubnaha aadka ugu dhow Madaxweynaha Somalia, kuwaasoo ay u arkaan inay yihiin kuwo xagal-daacinaya howlaha Dowlada.
Madaxweynaha Somalia iyo Ra’iisul Wasaare C/weli Sh. Axmed Maxamed ayaan weli ka hadlin aragtiyadooda ku aadan magacaabista golaha wasiirada inkastoo Madaxweynuhu uu dhowr jeer sheegay in howsha xukuumada uu Ra’iisul Wasaaruhu dadaal weyn ugu jiro.
Wasiirada lasoo dhisayo ayaa tiradooda lagu sheegay 25 wasiir iyadoo aan la ogeyn inta xubnood ee haween ka noqonaysa, waxaana isbedelkan uu qayb ka ahaa qorshayaal ay xukuumadii Ra’iisul Wasaare Saacid waday intii aysan kalsoonida baarlamaanka waayin.
Kala fikir duwanaashaha ku saabsan magacaabista Golaha Wasiirada DF ee u dhexeysa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa umuuqaal eg tii ay ku kala tageen Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia Saacid Faarax Shirdoon iyo Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.

HALKAN KA DHEGAYSO WAXA MEESHA KA TAAGAN & WARAYSI


Qaranwade.com

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada