Daawo Sawirada:- Wariye u dhashay Boqortooyada Sacuudiga oo Tarxiil lagu keenay Magaalada Muqdisho

Daawo Sawirada:- Wariye u dhashay Boqortooyada Sacuudiga oo Tarxiil lagu keenay Magaalada Muqdisho

daajis.com:-Dawlada Boqortooyada Sacuudiga ayaa u soo musaafurisay magaalada Muqdisho ee dalka Somalia wariye dalkaasi u dhashay ka dib markii uu warbixin ka qoray boqortooyadda dalkaasi.


Cumar Cusmaan ayaa maalintii Jimcihii laga soo dajiyay garoonka dayuuradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho isagoo la socday dayuurado siday Soomaali Sacuudiga laga soo tarxiilay oo mudooyinkanba si is daba joog ah ugu soo qulqulayey caasimada.

Qoyska wariyahan Sacuudiga u dhashay ee Soomaaliya loo soo tarxiilay ayaa iyana sheegay inay hayaan xog ku saabsan in wiilkooda lagu daray dayuurad Soomaaliya u soo qaaday dad laga soo tarxiilay wadankooda.


Wargeyska Al-Waa’em oo uu wariyahaan Sacuudiga u dhashay tifaftire ka ahaa ayaa ku waramay inuu taleefoon kula soo hadlay Cumar isagoo Muqdisho jooga uuna u sheegay inuu aad uga walaacsan yahay xaaladda uu ku sugan yahay.


“Luuqada Soomaaliga ma aqaan mana kala aqaan Soomaaliya aniga waxaan ahay muwaadin Sacuudiyaan ah oo bariga Sacuudiga ku dhashay maxaa halkan la ii keenay maxaan galabsaday” ayuu yiri Cumar Cusmaan u sheegay wargeyska uu tifaftiraha ka ahaa.

Wariyahan oo ay iska dhaleen Aabe Sacuudiyaan ah iyo hooyo Soomaali ah ayey wararku sheegayaan inuu muddo dhowr bilood ah ku xirnaa xabsi ku yaala Sacuudiga, waxaana intaan la soo masaafurin laga qaaday dhalashada iyo baasaboorka dalkaas.

Waraaqaha safarka ee Soomaaliya loogu soo tarxiilay ayaa looga qaaday safaaradda Soomaaliya ee magaalada Jeddah waxaana arrintaasi ka dambeysay wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga sida uu qoray Wargeyska Al-Waa-em.

Cumar Cusmaan Bin Yuusuf wuxuu sidoo kale in muddo ah ka shaqeynayay arrimaha agoonta waxayna saxaafadda Sacuudigu ku tilmaantay nin caan ka ah gudaha wadankaasi oo aad u firfircoon, iyadoo Kumanaan Sacuudiyaan ah ayaa barta Twitterka ka fureen ashtako ay ugu gargaarayaan Cumar Cusmaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada