Daawo Sawirada:- Dibad bax ay kasoo muuqdeen Saraakiil Al-Shabaab katirsan Calamo badan lagu gubay oo Maanta ka dhacay Baraawe

Daawo Sawirada:- Dibad bax ay kasoo muuqdeen Saraakiil Al-Shabaab katirsan Calamo badan lagu gubay oo Maanta ka dhacay Baraawe

daajis.com:-Waxaa Maanta Magaalada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose ka dhacay Dibad bax aad u balaaran ay dhigayeen Boqolaal dadweyne kaa oo looga soo horjeeday kubiiritaanka Ciidamada Itoobiya ee Howlgalka AMISOM.

Dibad baxa balaaran ee Maanta ka dhacay Magaalada Baraawe waxaa kasoo qeyb galay hadalana ka jeediyay saraakiil sar sare oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ay kamid ahaayeen Gudoomiyaha Al-Shabaab ee Gobolka Sh/Hoose Sh Maxamed Abuu Cabdallaah, Sh Jaamac C/salaam iyo Sh Xasan Takar .

Diabd baxayaasha ayaa ku dhawaaqayay Ereyo ka dhan ah Ciidamada Itoobiya oo dhawaan kamid noqday Ciidamada AMISOM, Waxa sidoo kale ay wateen dibad baxayaasha Boorar ay ku qornaayeen halkudhigyo ay kamid ahaayeen ''Itoobiya kuma raaxeesan doonto Soo galitaanka Soomaaliya''.

Intii uu socday dibad baxa ka dhacayay Magaalada Baraawe ayaa halkaasi waxaa lagu gubay Calamo badan ay kamid ahaayeen Calamada Dalalka Mareykanka , Israa'iil , Itoobiya iyo Uganda .

Dibad baxayaasha kasoo horjeeday soo galitaanka Ciidamada Itoobiya iyo ku biiridooda AMISOM ayaa socod ku maray wadooyinka waa weyn ee Magaalada Baraawe ay gacanta ku hayaan Xarakada Al-Shabaab.










FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada