Daawo Sawirada:- Munaasabada Doorashada Madaxweynaha Puntiland iyo kuxigeenkiisa oo hada kasocota Magaalada Garawe

Daawo Sawirada:- Munaasabada Doorashada Madaxweynaha Puntiland iyo kuxigeenkiisa oo hada kasocota Magaalada Garawe

daajis.com:-Waxaa hada ku sugan xarunta Baarlamaanka Puntland dhamaan murashaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka.

Xarunta Baarlamaanka ayey sidoo kale ku sugan yihiin marti sharaf ka kala socota hay’ada caalamiga iyo safiiro matalaya wadamo badan kuwaasi oo fadhigoodu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Nicholas Kay oo ah Madaxda xafiiska UNSOM ee Soomaaliya oo goobta ku sugan ayaa sheegay in doorashada Puntland ka dhaceysa ay tahay mid ay ku rajo weyn yihiin inay ka qeyb qaadato horumarinta dimuquraadiyada ee dalka Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Puntland Gen.Cadde Musse oo isaguna goobta ku sugan ayaa sheegay in ay ku faraxsan yahay sida ay hada wax u socdaan.

Murashaxiinta u tartamaysa xilka Madaxweynaha ayaa gaaraya 11, halka Madaxweyne kuxigeenka ay u tartamayaan maurashaxiin gaareysa 10.

Waxaa mar dhaw la filayaa in loo gudo galo codbixinta doorashada, iyadoo la sugayo hada guddiga Doorashada Baarlamaanka, waxaana la sheegi doonaa marka hore inta xildhibaan ee ku sugan Baarlamaanka iyo fadhiga.


Shuruuda xiliga Doorashada Socoto oo loo akhriyey Xildhibaanada iyo dadka martida ah oo loo sheegay in aysan dhaq dhaqaaqi karin xiliga codbixinta socoto.

Telefonada gacanta ayaa gebi ahaan la diiday in hoolka shirarka ee Baarlamaanka lala soo galo, waxaana hada iridaha loo laabay dhamaan albaabada hoolka oo xirnaan doona inta doorashada socoto.

Muraxhaxiinta ayaa dhankooda loo sheegay in inta codbixinta socota aysan sameyn karin wax olole ah golaha dhexdiisa, isla markaana arrintaasi aan la ogoleyn.

Sidoo kale Murashaxiinta ayaa loo keenay Waraaq ay soo diyaariyeen guddiga Doorashada oo ay ku qoran tahay inay aqbali doonaan wax walba oo kasoo baxa doorashada iyo natiijada, iyadoo murashaxiinta loo sheegay in mid mid loogu yeeri doono si ay u saxiixaan waraaqdaasi, waxaana la sheegay murashaxii diida inuu waraaqda saxiixo in uusan doorashada ka qeyb geli doonin.

Murashaxiinta ayaa hada loo qeybiyey si ay waraaqda u akhristaan. Waxayna mid mid usoo istaagayaan si ay u saxiixaan waraaqdan, iyagoona mikrafoonka ka sheegaya magaciisa iyo in ay si buuxda u aqbali doonaan wixii kasoo baxa doorashada.







_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada