DAawo Sawirada:- Wasiirka cusub Dekedaha, Gadidka iyo Badda oo kormeeray Dekedda Muqdisho

DAawo Sawirada:- Wasiirka cusub Dekedaha, Gadidka iyo Badda oo kormeeray Dekedda Muqdisho

daajis.com:-Mudane Yuusuf Macallim Amiin Baadiyow Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka badda Soomaaliya oo ay wehliyeen Wasiir ku xigeenka wasaaradda Jamaal Xasan Ismaaciil, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka badda.

Mas’uuliyiintani ayaa soo kormeeray dhaqdhaqaaqa ka socda xarunta Dekadda, iyagoo la kulmay Maareeyeaha dekadda iyo ku xigeennadiisa..
Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka badda Mudane Yuusuf Macallim Amiin Baadiyow oo ka hadlay ujeedada kormeerkooda ayaa xusay in wasaaraddiisu ay ka go’antahay sidii ay dekadaha ka jira dalka oo dhan u mideyn laheyd loona howlgelin lahaa.
Sidoo kale Muxudiin Maxamed Kaalmooy wasiirkii hore ee Howlaha guud iyo Dekadaha ayaa sheegay in wasiirka cusub ay maanta ku wareejinayaan qeybtii kale ee dekadda magaalada Muqdisho.
Kormeerkan uu maanta wasiirka cusub ee dekadaha iyo gaadiidka badda uu ku tegay dekadda weyn ee Muqdisho ayaa qeyb ka ah dadaallada ay madaxda cusub ee wasaaraddaasi ku dardar gelinayaan howlaha dekadda oo ka mid ah ilaha ugu muhiimsan ee uu dhaqaaluhu kasoo galo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada