RASMI: Yohan Cabaye Oo Ku Biiray Paris Saint-Germain.

RASMI: Yohan Cabaye Oo Ku Biiray Paris Saint-Germain.

daajis.com:-Paris Saint-Germain ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah ugala wareegtay Newcastle United xiddiga khadka dhexe Yohan Cabaye kaasoo saxiixay heshiis seddex sanno ah.

Cabaye ayaa u xiran doona kooxda ka dhisan caasimada Faransiiska maaliyada No 4 waxaana uu ku sugnaan doonaa halkaas ilaa iyo xagaaga 2017.
“Waxaa doonayay kooxo badan oo waa weyn, ciyaaryahanka khadka dhexe ee cusub waxa uu doortay PSG. Heshiiska Yohan Cabaye waxa ay cadeyn dhiiri ah u tahay inay kooxda awood u leedahay inay soo jiidato xiddigaha France ee dalka debediisa ka ciyaaraya” ayuu madaxweynaha PSG Nasser Al Khelaifi.
Yohan Cabaye ayaa isna yiri ka dib markii uu heshiiska saxiixay: “Waxaa iga tan badiyay barnaamijka ay wado PSG, mana sugi karo inaan ka mid noqdo kooxdaan cajiib ah, islamarkaana aan ka caawiyo kooxda inay gaarto hamigeeda France iyo Yurub.”

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada