DAawo Sawirada:- Xafladda caleemasaarka madaxweynaha Puntland oo Garowe ka socota

DAawo Sawirada:- Xafladda caleemasaarka madaxweynaha Puntland oo Garowe ka socota

daajis.com:-Waxaa xarunta madaxtooyada maamulka Puntland ee Garowe ka socota xaflad lagu caleemo-saarayo madaxweynaha cusub ee maamulkaasi Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas.

Wufuud ka kala timid wadamada dariska iyo maamulada gudaha dalka ka jira ayaa ku sugan magaalada Garoowe, waxayna ka qeybqaadanayaan xafladda caleemo-saarka.
Dhanka kale madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ku qaabilay xarunta Madaxtooyada Garowe wafdiga dowladda Jabouti ee u yimid ka qaybgalka munaasibadda caleemasaarka madaxweynaha.

Madaxweyne xigeenka Puntland Cabdixakin Cabdulaahi Cumar, kusimaha wasiirka amniga Khaliif Ciise Mudan, Cali Cabdi Awaaare iyo agaasimayaasha Madaxtooyada ayaa ka qaybgalay shirkan oo ku wehelinayay madaxweynaha.


Wafdiga Jabouti ayaa waxa hogaaminaya wasirka diinta, awqaafta iyo dhaqanka Mudane Aadan Balalow, waxana ka mida Ismaaciil Xuseen Taani agaasimaha madaxtoyada Jabouti, Gudoomiyaha Amniga Xasan Siciid, Safiirka Jabouti ee Somalia Dayib Dubad Rooble ganacsato iyo masuuliyin kale uu ka mid yahay Maxamed Daahir Afrax.

Xiriirka labada dhinac ayuu sheegay madaxweynaha Puntland inuu ku rajo waynyahay inuu sii socdo una sii wanaagsanaado, waxana sidoo kale uu uga mahadceshay taageerada dowladda Jabouti la garab taagantahay walaalhooda Soomaaliyeed.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada