Tarsan '' Amiirka Al-Shabaab waxa uu Dagaalada ku koobay Deegaanada Hawiye Dhulkiisana waa u Nabad”

Tarsan '' Amiirka Al-Shabaab waxa uu Dagaalada ku koobay Deegaanada Hawiye Dhulkiisana waa u Nabad”

daajis.com:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Max’ud Axmed Nuur (Tarsan) ku eedeeyay Hogamiyaha Ururka Al-Shabaab inuu dagaalkiisa ku soo koobay degaanada ay degto beesha Hawiye ee koonfurta Somalia.


Tarsan waxa sheegay in gobollo ka tirsan woqooyiga Soomaaliya oo hogaamiyaha Al-shabaab uu ka soo jeedo ay Nabdoon yihiin ayna ka jiraan horumaro balaaran, balse magaalooyinka iyo degaanada kale ee ay degto Beesha Hawiye ee koonfurta Somalia ay noqdeen gobo dagaal iyo qabuuro.


“Waad ka dheregsan tihiin ina Godane wiilashii Hawiye maskaxda ayuu ka xaday, waxaana uu ka dhigay mid uu dilo iyo mid dadka kale dila, waxaana uu laayay duqowdeenii iyo dadkeenii, degaanada uu ka soo jeedana waa kuwaa Nabdoon” ayuu yiri Guddoomiye Tarsan.

Tarsan oo hadalkan ka jeediyey kulan beelaha Hawiye ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa ku micneeyay sababta Al-Shabaab ay colaada uga huriyaan degaanada hawiye si caalamku aanu ugu soo dhiiran in wax Mashaariic horumarineed ah ay ka sameeyaan isagoo ugu baaqay dadka ku abtirsada beesha Hawiye iney iska qabtaan meelna uga soo wada jeestaan Axmed Godane iyo kooxda Al-shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada