Daawo Muuqaal :- Hijriyadda oo badashay Taariikhda Dunida qeybtii 4-aad

Daawo Muuqaal :- Hijriyadda oo badashay Taariikhda Dunida qeybtii 4-aad

daajis.com:-Barnaamijkeena manta waa qeybtii ugu danbeysay waxaana qeybta maanta kusoo qaadan doonaa safar hijrada Rasuulka iyo ninkii hogaanka u hayay ee cabdulaahi ibnu urayqid oo ka bixyay meelo aan la marin, iyo Safarka Hebeen socodka ahaa iyo Maalin jiifka ahaa, dhanka kale waxaa usoo baxday fursad reer binii Midlij taas oo aheyd raad-raaci safarkii Nabiga, waxaana Damac ka galay balanqaadkii qureysh ee ahaa 100 halaad Dilkii Nabiga ama in nolol lagu soo qabto, iydoo qureyshna ay ku dareyn 100 halaad oo kale oo la dul dhigay Nabiga saaxiibkiis Abii bakar sidiiq qofkii Nolol ama geeri ku keenaa, qof kamid ah reer binii mudlij ayaa ishiisa qabatay safar meel dheer ugu muuday wuxuuna u sheegay qoomkiisii wuxuu so arkay, nin kamid ahaa qoomkiisa ayaa damac ka galay 200 ee halaad helistood isagiina waxaa dhulka la jaray malaa’ig oo boorkiisa kiciyay. 

Markii ay muslimiintii Madiina maqleen warka soo bixida Rasuulkii alle SCW uu kaoso baxay Makkah isagoo usoo socda Xagga Madiinah, Waxay aadi jireyn Xarra subax kasta, wxay sugi jireyn ilaa kuleylka duhurkadda ku qasbo inay laabtaan...Maalin kadiib markii ay sugeen wax badan, waxay u laabteyn guryahooda, markii ay tageyn guryahoodii baa nin Yuhuudi ah wuxuu fuulay saqaf qalcad kamid ah qalcadohoodii isagoo eegaya waxa uu rabay, Markaasuu arkay Rasuulka Alle iyo ragii la socday oo xiran dhar cad cad ah, bidhaantoodii oo hadba wiriwirku qarinayo, markasuu is hayn kari waayay oo qaylo dheer ku dhuftay oo yiri. 

“War hooy carabeey waa kan nasiibkiinii iyo saaxiibka dowladdii aad sugayseyn" markaaseey Muslimiintii ku yaaceen hubkoodii oo kul kulmeyn Rasuulka Alle scw banka loo yaqaan Xarra. Nabiga Scw wuxuu ula baxay xagga midigta oo ku dagay fagaarga Banii Camar bin Cawf, waxayna aheyd maalin Isniin ah Bisha Rabiical Awwal, Abuu bakar baa istaagay isago dadka qaabilaya halka Rasuulka Alle scw uu fadhiyay oo aamusnaa, Qaar kamid ah Ansaartii oo u yimid oo aanan horay u arag Rasuulka waxay billaabeyn inay salaamaan Abuu Bakar, markiise ay qoraxda qabatay rasuulka Alle Scw, Abuu Bakar baa yimid oo go’iisa ku hoosiiyey, Markaasay dadkii garteyn Rasuulka Alle Scw. 


Ugu danbeyntii Dhamaadkii qarnigii koowaad ee hijriga, waxay dowlada islaamka ah gaaratay xuduudaheeda galbeedka Andulus oo manta Spain lagu magacaabo,dhanka shiinaha waxay ka gaaratay bariga, waxayna dowlada islaamka ciida afka u dartay dowladihii ugu waa weynaa ee caalamka xukamayay, waana dowladii Faarisiyiinta iyo dowladii roomaniyiinta, waxaasi oo dhan waxay ka dhasheyn mirii Hijradda barakaysan oo kaasoo bilaabatay Makkah Mukaramah ilaa iyo MAdiinadul Munawarah. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada