Daawo Sawirada:- Oday Dhaqmeed Kufsi Wadareed Ku Xukumay Gabar Jeclaatay Nin Ay Kala Qabiil Yihiin

Daawo Sawirada:- Oday Dhaqmeed Kufsi Wadareed Ku Xukumay Gabar Jeclaatay Nin Ay Kala Qabiil Yihiin

daajis.com:-Mid kamid ah Dhacdooyinkii ugu yaabka badnaa ee Dunida ka dhacaa ayaa lagasoo wariyay Dalka Hindiya kadib markii Gabar 20-Sano jir ah oo u dhalatay Dalkaasi lagu xukumay in 13-Nin ay kufsi saf mar ah kula dhaqaaqaan.

Dhacdadan ayaa ka dhacday Tuulada lagu Magacaabo Suri oo katirsan Gobolka Bangal, waxaana la sheegay in Nin Oday dhaqmeed ah aadna looga Ixtiraamo tuuladaasi uu ku xukumay gabar 20-jir ah ay isku qabiil yihiin kana soo jeeda Deegaankaasi in ay kufsadaan ilaa 13-Nin.

Gabadhan dhibka loo geestay ayaa la sheegay in ay jeclaatay xeriirna la yeelatay nin ay kala qabiil yihiin ayna isku dhacsanaayeen beesha ee kasoo jeedo arintaasi oo la tilmaamay in ay ka careesiisay odayaal beesheeda kasoo jeeda.

Ninka Xukunka gabadhan ku riday ayaa la tilmaamay in markii hore qoyskooda ku xukumay inay bixiyaan ganaax lacageed oo dhan 490-Yuuro, laakiin markii qoykaasi waayay lacagtaas ayuu ugu badalay xukun kufsi ah oo 13-nin loo soo saaray si ay u fuliyaan.

Gabdha Kufsiga loo geestay ayaana lagu xiray geed Cidlo ah iyadoona Xiligaasi kadib lagu amray ilaa 13-Nin in ay kufsi saf mar ah kula dhaqaaqaan arintaas oo dunida aad loogala yaabay loona canbaareeyay.

Ciidamada Booliiska Hindiya ayaa gacanta kusoo dhigay Xabsigana dhigay ragii fuliyay Kufsiga gabdhan yar loo geestay, waxaana walila ogeyn in Ciidamada qabteen Ninka odayga ah ee amray in la kufsado gabdhaan oo horey loogu eedeeyay Kiisas kala duwan.

Dalka Hindiya ayaa kamid ah Dalalka ugu badan ee inta badan ka dhacaan Falalka Kufsiga ah ee loo geesto Haweenka Dalkaasi u dhashay , Dowlada Dalkaasi ayaana mar kasta ku hanjaba in tilaabo adag ka qaadi doonaan raga kufsiga caadeestay.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada