Fariimo Jaceyl :- Dareenka Caashaqa Dhabta Ah Kuma Dhismo Himilooyin Been Abuur Ah.

Fariimo Jaceyl :- Dareenka Caashaqa Dhabta Ah Kuma Dhismo Himilooyin Been Abuur Ah.

daajis.com:-Kama baxsan karo xusuustaada,xitaa riyada waan waad ka dhex muuqataa,cadaaladna maahan sidaad u tagtay adigoon gadaal soo eegin si xawaare lehna ku socda anigana weli waxaan ku dhex noolahay marxaladii aad igu ogeyd.

Ugu dambeyn waxaan isku dayaayey inaan ka gudbo inaan dib kuu aamino,islamarkaana aanan kuu baahanin,waxaana garwaaqsanaayey inaad heshay qof kale,laakin wax walbo daqiiqado ayey isku bedeleen markaad ii muujisay qalbi furnaan,adigoo weliba ii muujiyey rajooyin cusub.

Weli waxaan kuu sidaa ubaxii udgoonaa,mana qalalin caleemihiisa weli,waayo waxaan ku quudiyaa waa illinta caashaqeyga,mana awoodin illintaas inaan gacanta ku tiro,ha gaarin go’aan aad ku jawaabto,hadii aad weli dooneyso inaad hubsato,hana dhihin weligaa kuma jecli hadii aadan jecelylkaas ka maarmi karin,waayo kelmadaas waxay ii dhaawaceysaa si qoto dheer.

Mararka qaar waxaan ku fekeraa iney wanaagsaneyd inaanan noloshaba ku kulmin,maxaa yeelay waxaan ku seexan lahaa sariirteyda si nabad ah,qiimaha jaceylkana wuxuu ii ahaan lahaa dareen qurux badan oo farxad laga kulmo.

Sideen kuu ilaawaa hadiiba aad marwalbo maskaxdeyda ku jirto? Sideese kaaga kaaftoomaa hadiiba waxa keliya nolosha aan u tebaayo aad adiga tahay?daajis.com Iima fududo inaan ku siidaayo daqiiqad walbo waa ay iiga culus tahay tii hore hadii aan dhinaceyga kaa waayo.

Sidee aanan kuu jeclaan mar hadiiba qalbigeyga uu gacantaada ku jiro?


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada