War Deg Deg Ah:- Is fahmi waa ka taagan Magacaabista Wasiirada xili Wariyaasha Madaxtooyada looga yeeray

War Deg Deg Ah:- Is fahmi waa ka taagan Magacaabista Wasiirada xili Wariyaasha Madaxtooyada looga yeeray

daajis.com:-Warar aan goordhaw ka helnay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in saacado ay dib u dhacday Magacaabista Golaha Wasiirada oo la filayay in galabta uu ku dhawaaqo Ra'izul Wasaare Cabdi Wali.

Ilo kusugan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa goordhaw noo xaqiijiyay in wali xaalka uu murugsan yahay Madaxtooyadana ay kasocoto kulamo kala gooni gooni ah ay Qaadanayaan Madaxweynaha iyo Ra'izul Wasaaraha.

Kulanka gaarka ah ay wada leeyihiin Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'izul Wasaare Cabdi Wali Sheekh Axmed ayaa ah mid ilbaabada u xiran yihiin , waxaana lasoo tabinayaa in kulanka labada Masuul u dhaxeeya uu qaatay waqti dheer walina uusan kasoo bixin wax go'aan ah.

Wali si rasmi ah looma oga Culeeska kusoo kordhay Magacaabista Golaha Wasiirada oo la filayay in galabgta lagu dhawaaqo, Warar aan la hubin ayaa sheegaya in labada Masuul ay isku hayaan Xubno kamid ah Golaha Wasiirada ee lagu dhawaaqayo.

Wariyayaasha oo galabta looga yeeray Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa kusugan gudaha Xaruntaasi iyagoona meel gooni ah wariyayasaha la geeyay mana jiraan ilaa hada wax war ah oo loo sheegay .

Waxaana la filayaa in Daqiiqado ama Saacado kadib lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada marka ay soo dhamaato wadatashiyada ay ka leeyihiin Madaxda sare ee Dalka gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra'izul Wasaaraha.





_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada