Lionel Messi Iyo Tababare Martino Oo Ka Hadlay Dhaawaca Neymar.

Lionel Messi Iyo Tababare Martino Oo Ka Hadlay Dhaawaca Neymar.

daajis.com:-Tababaraha Barcelona Gerardo Martino ayaa sheegay inuu ku farxay in dhaawaca Neymar uusan halis u aheyn sidii markii hore laga cabsi qabay.
Neymar ayaa xalayto dhaawac canqowga ah uu soo gaaray, waxaana durbaba la sheegay in dhaawaciisa uusan halis weyn aheyn.
“Sawirada Neymar ayaa naga dhigay kuwa aad u degan. Waa mahad Eebe halis uma aysan aheyn sidii laga baqayay” ayuu tababare Tata Martino u sheegay suxufiyiinta ciyaarta ka dib.
“Ma ciyaari doono in muddo ah, laakiin gabi ahaanba wax dhibaato ah uma aragno. Ciyaaryahanka waa uu fiican yahay.
“Aabihiis ayaa qolka labiska ugu galay si uu u la hadlo. Halis uma ahan sida aad maleyn karteen. Waxaan doorbidayaa inaan sugo dhakhaatiirta ka hor inta aanan sheegin waqtiga uu maqnaanayo.”
Lionel Messi oo isna xalayto labo gool dhaliyay ayaa sheegay in Barcelona aysan ka maarmin Neymar islamarkaana uu rajeynayo in dhaawaciisa uusan noqon mid xun.

“Wixii ku dhacay Neymar waa wax aad looga xumaado” ayuu 26 jirkaan u sheegay suxufiyiinta.
“Berri [maanta] ayaa baaritaano badan lagu sameyn doonaa.
“Waxaan rajeyneynaa in dhaawaca uusan noqon mid xun, waa u baahanahay isaga, muhim ayuu u yahay kooxda.”

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada