Thailand oo Xaalad Degdeg ah Lagu soo Rogayo

Thailand oo Xaalad Degdeg ah Lagu soo Rogayo

daajis.com:-Dowladda Thailand ayaa ku dhawaaqdey xaalad degdeg ah oo socon doonta muddo lixdan maalmood ah. Talaabadan ayaa jawaab u ah banaanbaxyo au mucaaradku muddo toddobaadyo ah ka wadeen magaalada caasimadda ah ee Bankgok, kuwaas oo la doonayo in lagu rido dowladda.
 
Mas;uuliyiinta dowladda ayaa sheegey in go’aankan uu dhaqan gelayo beri oo Arbaca ah uuna saameyn doono caasimadda iyo degaanada ku xeeran. Waxaa xeerkan cusub uu fasaxayaa in dowladdu ay bandow soo rogto, warbaahinta oo faaf reeb lagu sameeyo iyo in la mamnuuco isku soo baxyada ama kulamada siyaasadeed.
 
Ma cadda sida wareegtadan u saameyn doonto banaanbaxyada ay dhigayaan mucaaradka, kuwaas oo walow ay sii yaraanayaan ay mar kale maanta ka dhaceen Bangkok, maalintii 8aad oo xiriir ah.
 
Banaanbaxayda ayaa inta badan ahaa kuwo nabadeed, iyadoo xaaladda caasimadana ay deggan tahay. Laakiin weeraro dhowr ah oo lala beegsadey dadka banaanbaxyada dhigaya ayaa qarka u saarey Thailand inay ku soo laabato waqtiyadii hore ee rabshadaha siyaasadeed.
 
Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhaawacmey maalintii Axadda, laba qarax oo ka dhacay meel ku dhow goob ay dadka banaanbaxyada dhigaya ku sugnaayeen.
Maalintii Jimcaha, hal qof ayaa ku geeriyooday weerar bambaano oo ka dhacay caasimadda..
 
 
Dadka banaanbaxyada dhigaya ayaa doonaya in gole aan la soo dooran ay beddelaan dowladda, oo ay sheegeen inay tahay mid musuqmaasuq iyo eex uu hareeyey.
 
Raiisul Wasaare Yingluck Shinawatra ayaa diidday inay is casisho. Waxay ku adkeysaneysaa in la qabto doorashooyin waqtigooda laga soo hormariyey bisha February, 2deeda, inkastoo mucaaradku ay sheegeen inay qaadici doonaan doorashada.
Waxay ugu baaqdey ciidamada amaanka inay dulqaad iyo deganaan muujiyaan marka ay la tacaalayaan dadka banaanbaxyada dhigaya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada