War Deg Deg Ah Baarlamaanka oo goordhaw xal ka gaaray Mooshinkii lagu diidanaa in ay Xukuumada kusoo laabtaan Wasiiradii hore

War Deg Deg Ah Baarlamaanka oo goordhaw xal ka gaaray Mooshinkii lagu diidanaa in ay Xukuumada kusoo laabtaan Wasiiradii hore

daajis.com:-Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhaw laalay Mooshinkii ay horey usoo gudbiyeen Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku aadaanaa in aysan Xukuumada Cusub kusoo laaban Wasiiradii katirsanaa Xukuumada Saacid.

Xildhibaano taageersan in aysoo laabtaan Wasiiradii hore ayaa dhankooda maanta Gudoonka u gudbiyay Mooshin kasoo horjeeda kii hore iyadoona Baarlamaanka ay cod u qaadeen in labada Mooshin lakala doorto.

Kadib dood dheer ay yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn waxa uu Gudoonka Iclaamiyay in Codka Kalsoonida loo qaado labada Mooshin ee Baarlamaanka horyaala iskana soo horjeeda.

Xildhibaano gaaraya ilaa 113-Xildhibaan ayaa u codeeyay in meesha laga saaro mooshinkii hore loo soo gudbiyay ee ahaa in aysan soo laaban Wasiiradii katirsanaa Xukuumadii Saacid halka ay diideen in mooshinka la laalo ilaa 99-Xildhibaan, waxaa sidoo kale ka aamusay ilaa 6-Xildhibaan.

Gudoonka Baarlamaanka ayaana shaaciyay in meesha laga saaray Mooshinkii hore ee laga soo gudbiyay in Xukuumada Cusub aysan kusoo laabtaan Wasiiro hore uga tirsanaa Xukuumadii Saacid.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada