daajis.com:-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa markii ugu horeesay bilad sharfeed u balan qaaday in ay siin doonaan Wasiirkii daga meel ka baxsan agagaarka Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya .
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa u balan qaaday Golaha Wasiirada Cusub ee Xukuumada Soomaaliya hadii ay dagaan qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho oo ka baxsan Xeendaabka Madaxtooyada in ay siin doonaan Bilad.
“Wasiirrada cusub waxaan ugu baaqayaa inay degmooyinka gobolka Banaadir oo dhan dagaan, oo aysan isku soo koobin agagaaarka madaxtooyada kaliya, taasina waxay qayb ka qaadan karta xoojinta ammaanka caasimaadda,” ayuu yiri Tarsan .
Hadalka Tarsan ayaa imaanaya Xili qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ay aad uga cabsadana Masuuliyiinta Dowada in ay tagaan ama dagaan, iyadoona taa badalkeeda daga xaafadaha ku dhaw dhaw Madaxtooyada iyo Garoonka Aadan Cadde.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:11 and have
, Published at