daajis.com:-Siyaasadda
Somalia, waxaa iminka hagaya koox lagu magacaabo Damu-Jadiid ama Dhiiga
cusub, oo ka farcantay kooxda Al-Islaax, taasi oo madaxweynaha Somalia
Xasan Sheekh uu ka tirsan yahay Ka sokow inay dalka maamulaan, haddana
waa koox si aad ah isku ilaalinaysa ama qabta cabsi siyaasadeed.
Inta badan xubnaha
muhiimka ah ee dowladda ama ayaga ayaa qaatay, ama waxay u dhiibeen dad
aan waxqabad fiican lahayn, oo aysan ka cabsi qabin inay ka hor iman
doonaan.
Haddaba waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa xubnaha kooxdan ee ku jira dowladda iyo beelaha ay kasoo jeedaan.
1- Ridwaan Xirsi Maxamed -Ninkan
ma ahan nin sahlan, waa amiirka guud ee kooxda Damu-Jadiid, ahna
qunsulka safaaradda Somalia ee dalka Sacuudiga, waxaa loo magacaabay
ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta.
Waxa uu si gaar ah ugu
xil saaran yahay inuu ka agdhowaado lana socdo dhaq-dhaqaaqyada ra’iisul
wasaare Cabdi Weli, ayada oo qorshuhu yahay in sidii Saacid oo kale
dhinacyada laga xeendaabo. Waxa uu kasoo jeedaa beesha Habar-Yoonis ee
Isaaq.
2 -Maxamed Ibraahim Xaaji Aadan -
Ninkan waxa uu ku magac dheer yahay -Dir Gaadsan, magaciisa shaqsiyeed
ka sokow, waxaa si aad ah loogu yaqaan inuu la dhashay Prof.
Cabdiraxmaan Ibraahim Xaaji Aadan Ibbi, oo horey xilal badan oo kala
duwan uga soo qabtay dowladihii Somalia.
Dr. Gaadsan, oo ka mid
ah kooxda Damu-Jadiid, waxa uu kasoo jeeda Beesha Dir, gaar ahaan Biyo
Maal, waxaana loo magacaabay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta
xukuumadda cusub.
3- Mahad Maxamed Salaad -
Waa nin xildhibaanimada iyo siyaasadaba ku cusub, kana tirsanaa ururka
Damu Jadiid ayaa markii ugu horreysay loo magacaabay Wasiir Ku Xigeenka
Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Booskaas waxaa horey u
hayey Dr Jamaal Maxamed Baarow oo isagu laftiisa ka mid ahaa ururka Damu
Jadiid, horeyna u ahaa Xoghayaha Guud ee Xisbiga PDP ee madaxweyne
Xasan Sheekh.
Waxay noqon kartaa in
xubnaha Damu Jadiid booska u arkeen in labo nin oo iyaga ka mid ah isku
bedeleen, balse arrinta walaaca keentay ee dad badani qabaan ayaa ah in
Mahad Salaad oo nin dhalinyaro ah, siyaasada dhanna ku jiray halka sano
ee uu xildhibaanka ahaa in dusha loo saaro masuuliyad arrimo dibadeed,
halka Wasiiradii hore Fawsiya Yuusuf oo waayo aragnimo ahaan ka badan
Mahad Salaad ay meesha ka baxday!. Waa nin kasoo jeeda Beesha
Habar-Gidir.
4- Daa’uud Maxamed Cumar (Daa’uud Bisinle) – Wuxuu
ka tirsanaa maamulka Jaamacada Bariga Afrika ee Boosaaso, wuxuuna
markii dambe ahaa Wasiirkii hore Qorsheynta ee Puntland dawladii
C/raxmaan Faroole balse xilkaasi wuu iska casilay ka dib markii uu heley
shaqo ah inuu xiriiriyo dawlada Federaalka iyo Puntland. Wuxuu ka soo
jeedaa gobolka Sool, waa Dhul-Bahante.
Daa’uud waxaa hadda loo
magacaabay Wasiirka Macdanta. Xilkan wasiirnimo ka sokow in beesha Sool
ahaan loo siiyey, waxaa Daa’uud Bisinle u dheer inuu ku jiray xubnaha
dhowaan ku biiray mabda’a Damu Jadiid ee fadhiga ka dhigtay Hotelka
Jasiira.
5 -Dr Khaalid Cumar Cali -Waa
xildhibaan baarlamaanka mudo dheer ku jiray. Waxaa hadda loo magacaabay
Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada. Dr Khaalid waxaa uu ka mid yahay
ragga ugu firfircoon xildhibaanada Damu Jadiid ee baarlamaanka jooga.
Waxaa xusid mudan in
waqtiga loo magacaabayo wasiirka uu ku sugan yahay Magaalada Ankara ee
dalka Turkiga isagoo qeyb ka ah wafdiga dawlada ee wadahadalka kula jira
maamulka Somaliland, taas ayaana nuxur u yeeleysa in Dr Khaalid wasiir
loo magacaabo. Waa Digil-iyo-Miifle, gaar ahaan Bagadi.
6- Faarax Sheekh C/qaadir -
Waxaan filaa ninkan qeexid ma rabo, balse Waxaa dadku ku tilmaamaan
maskaxdii dhistay Ururka Damu Jadiid iyo Xisbiga PDP (Peace and
Development Party) ee madaxweyne Xasan Sheekh guddoomiyaha ka ahaa.
Faarax wuxuu kaloo weli hayaa kursigii xildhibaanimada ee baarlamaanka. Shaqadiisa hay’adaha
Carbeed iyo maamulka waxbarashada ka sokow wuxuu kaalin weyn ka qaatay ololihii doorashada madaxweyne Xasan Sheekh.
Faarax Sheekh C/qaadir
wuxuu ahaa wasiiru dawlaha madaxtooyada, wuxuu kaloo ahaa ninkii
madaxweynuhu ku aaminay wadahadalkii lala galay maamulka Jubba ee
Kismaayo, ee Axmed Madoobe uu ku siiyey maamulkaasi.
Waa Reer-Aw-Xasan, oo
markii hore Sheekhaal xisaabsanaa, balse ka baxay, haddana galay beelaha
Shanaad. Faarax Sheekh C/qaadir waxaa hadda loo dalacsiiyey wasiirnimo
buuxda waxaana loo dhiibay Wasaaradda Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka
oo labo wasaaradood isku heysa. In Arrimaha Dastuurka loo dhiibana waa
qorshe kale oo muhiim u ah madaxweynaha iyo xisbigiisa Damu Jadiidka.
7 -C/kariin Xuseen Guuleed -Waxaa
lagu tiriyaa ninka labaad ee aas aasay urur diimeedka Damu Jadiid.
Xildhibaan C/kariin Guuleed si weyn ayey u muuqatay awoodiisa
madaxtooyada oo xitaa markii beeshiisa odayaal ka mid ah ay damceen inay
nin kale booska geystaan madaxtooyada ayaa ka hor istaagtay, sida
odayaashuba ka sheegeen idaacadaha gudaha.
C/kariin Guuleed hadda
waxaa uu hogaaminayaa wafdiga dawlada ee wadahadalka kula jira maamulka
Somaliland ee ku sugan wadanka Turkiga. Xilkiisa hore waxaa laga gooyey
“Arrimaha Gudaha†Waxaana uu hadda noqonayaa “Wasiirka mniga
Qaranka oo ah wasaarada muhiim ah.
Waa markii labaad oo
C/kariin Guuleed xil wasaaradeed loo magacaabo isagoo aan dalka joogin
(Xukummadii Saacid Shirdoon xitaa waxay magacawday isagoo maqan taasoo
muujineysa kalsoonida uu madaxweyne Xasan Sheekh ku qabo C/kariin
Guuleed. Waa Sacad, Habar-Gidir.
8 – Jaamac Odey -
Waxa uu horey u joogay wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo amniga,
haddase waxaa uu ku biiray xubnaha Damu Jadiid ee u dallacay wasiirnimo
buuxda waxaana loo dhiibay “Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.
Jaamac weli waa
xildhibaan ku jira baarlamaanka. Dad badan ayaa xusuusta Jaamac Odey
inuu ka mid ahaa xildhibaanadii keenay mooshinkii lagu riday xukuumadda
Saacid Shirdoon oo uu Jaamac ka ahaa wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha
iyo amniga. Waa Habar-Jeclo, Isaaq, waxaa sidoo kale la sheegaa inuu ku
dhow yahay Siilaanyo, balse kooxda Damu-Jadiid aysan ka war-hayn taas.
9 -Ibraahim Isaaq Yarow -
Wuxuu ahaa xildhibaan, wuxuuna ahaa wasiir ku xigeenka warfaafinta.
Haddase waa wasiir ku xigeenka amniga qaranka, xilkaas oo xilligii
ku-meelgaarka uu mar ku soo shaqeeyay, waa Digil iyo Mirifle.
10 Maxamuud Macalin Yaxye
-Ninkan oo ahaa wasiir ku xigeenkii wasaaradda horumarinta arrimaha
bulshada waxaa hadda laga dhigay wasiiru dawlaha Arrimaha Gudaha iyo
Federaalka.
11 Saciid C/llaahi Maxamed -Waa
Ganacsade reer Dubai ah, oo kasoo jeeda beesha Majeerteen, waxaana loo
magacaabay wasiirka qorsheynta qaranka, waa xubin fir fircoon oo ka
tirsan kooxda Damu-jadiid, ee Somalia horbeedeysa iminka.
12 Ducaale Aadan Maxamed -
Waxaa loo magacaabay wasiirka hiddaha iyo tacliinta sare, waxa uu ka
mid yahay ragga sida aadka ah ugu dhow hoggaamiyaaha ruuxiga ah ee
Damu-Jadiid Faarax Sheekh Cabdul Qaadir, waxa uu ka dhashay beesha Faqi
Maxamed ee Dir.
13 Eng. Nadiifo Maxamed Cusmaan -
Waxa ay ka mid tahay haweenka far ku tiriska ah ee nasiibka u yeeshay
inay ka mid noqoto golaha wasiirada cusub. Waxa ay sidoo kale ka mid
tahay kooxda Damu-Jadiid, waxayna kasoo jeedaa beesha Baadi-Cadde.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:22 and have
, Published at