“ Diinta Islaamka waan ka baxay,dadka aan diinta lahayn ayaan kamid ahay” Waxaa dhahey Amaal faarax ..

“ Diinta Islaamka waan ka baxay,dadka aan diinta lahayn ayaan kamid ahay” Waxaa dhahey Amaal faarax ..

daajis.com:-Markii ugu horeysay Gabar-Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Amaal-Faarax ayaa qiratay inay ka mid noqotay Dadka loo yaqaan (Atheism)yacni Diin-La*aan (Dadka aaminsa inuusan jirin Alle abuuray Koonka aan ku nool-nahay)

Amaal ayaa madax ka ah Bangi ku yaal Ingiriiska,waxayna wareysi ay siisay Jornaalka (The-Indepent)ee Ingiriiska ka soo baxa inay go*aan-satay inay ku biirto dadka loo yaqaan (Atheism)iyadoo sheegtay inay kala dhinteen Hooyadeed iyo walaalaheed muddo sideed sano ah,halka ay sheegtay Hooyadeed caradii ay ka qaaday gabadheeda oo Diinta-Islaamka ka baxday inay dib ugu laabtay Soomaaliya iyadoo gebi-ahaan u jartay xiriiirkii waalidnimo ,waxayna Gabadhan ku andacootay inay handaado dil ah kala kulantay Qoyskeedda.

Amaal Faarax ayaa sheegtay iyadoo dhoocil ah inay Reerkeeda ka keeneen Dalka Yemen,waxayna ku faantay inay hadda guursatay Garyaqaan Yahuudi ah oo sideeda oo kale Diin la*aan ah(Ateism)

Qurbaha ayaa Soomaalidda u soo qaxday waxaa ka dhex kaluumeysato Ururo loolan adag ugu jira inay tashwiish ku furaan Soomaalidda maankooda gaaban-yahay oo loogu soo gabaddo,waxaad horumar u gaari-weyay waa Diinta-islaamka,waxayna Amaal ku dhacday dabin ay u maleegeen Kooxda (Atheism)ee aaminsan in dabeecadda ay abuurtay wax-kasta oo Caalamka dushiisa saaran,xitaa Beni-aadanka iyagoo diidan jiritaanka Illaahay ee abuuray Caalamkan aan dushiisa ku naalooneeyno


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada