Akhri :- Shan Qodob oo soo dadajisay sii deeynta hogaamiye Sheekh Xasan Daahir Aways

Akhri :- Shan Qodob oo soo dadajisay sii deeynta hogaamiye Sheekh Xasan Daahir Aways

daajis.com:-Dad badan ayaa ilaa hada is weeydiinaya sababaha ka dambeeya in xabsiga Nabadsugida si deg deg ah looga sii daayo hogaamiyihii hore ee ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aways oo mudo dhoor bilood ah u xirnaa dowlada Soomaaliyeed.

Odayaal iyo nabadoono caan ka ah magaalada Muqdisho ayaa dhoor jeer oo hore waxeey ku guuldareeysteen inay xabsiga nabadsugida ka sii daayaan hogaamiye Sheekh Xasan Daahir Aways oo bilihii ugu horeeyay afkiisa laga waayay wax aanan hanjabaad aheyn.

Hogaamiyahaan ayaa intii uu xiraa hadaladii looga quustay waxaa ka mid ahaa isaga oo sheegay inuu doonayo hub uu kula dagaalamo ururka Al Shabaab oo uu ku sheegay inay ka been sheegeen shareecda Islaamka waxaana ugu darneyd Sheekh Xasan Daahir Aways oo ku adkeystay in dalka laga saaro sidoo kale ciidamada AMISOM .

Dhoor bilood oo xabsi ah ka dib iminka waxaa is badalay oo Nabadoon degan noqday Sheekh Xasan Daahir Aways oo markii ugu horeeysay ogolaaday qodobo dhoor ah oo ka yimid dhanka dawlada kuwaas oo aanu ka xusi karo :

1-Sheekh Xasan Daahir Aways hanjabaadii joogtada aheyd wuu joojiyay wuxuuna u weecday dhanka cibaadada rabi maadaama uu ruux waayeel ah yahay.

2-Dagaalkii uu ku doonayay in uu la galo ururka Al Shabaab iyo diidmadii ciidamada AMISOM waxa uu uga dambeyn doonaa ama u daayay dowlada Soomaaliyeed.

3-Waxaa loo sameeyay ciidamo qaas ah oo Amnigiisa suga kuwaas oo ka yimid dhanka Nabadsugida Dowlada waxeeyna ka kala socdaan dhamaan beelaha Soomaaliyeed.

4- Ma dhici doonto Sheekh Xasan Daahir Aways in uu dib isku soo abaabulo waliba sameeysto maleeshiiyaad u gaar ah ama uu ka qeeyb qaato dagaal dambe .

5-Dowlada ayaa hogaamiyahaan dajisay guri qaas ah oo amaankiisa lagu sugo waxaana sidoo kale la noolaan karo qaraabadiisa cid alaale iyo cidii uu doono marka laga reebo raga isaga mar kasta ku qasba ama galiya dagaalada uu inta badan waqtigiisa ku soo dhameystay.

Fakirkaada Kadhiibo walal:- 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada