Chelsea Oo Etihad Stadium Ku Dubatay Man City, Waa Kooxdii Ugu Horeysay Ee Ku Badisa Garoonkaas Horyaalka.

Chelsea Oo Etihad Stadium Ku Dubatay Man City, Waa Kooxdii Ugu Horeysay Ee Ku Badisa Garoonkaas Horyaalka.

daajis.com:-Chelsea ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee Manchester City ku dubata garoonkeeda xilli ciyaareedkan ka dib markii ay 1-0 ku garaaceen Sky Blue, iyadoo Mourinho uu taatiko ahaan ka badiyay dhigiisa Manuel Pellegrini.

Tababare Pellegrini ayaa booska khadka dhexe ee burburiyaha ku soo bilowday daafacooda Dimichels, iyadoo uu ka maqnaa Fernandinho, halka Mourinho uu kursiga keydka ku bilaabay Oscar isagoo ka doorbiday Willian, Ramires iyo Hazard.
Mourinho ayaana qeybtii hore ee ciyaarta ku guuleystay taatikada ciyaareed isagoo si wacan u ciyaarsiiyay kooxdiisa islamarkaana jihada ka dhumiyay kooxda martida loo ahaa ee Manchester City.
City ayaa fursado abuurtay 20kii daqiiqo ee ugu horeysay ciyaarta, iyadoo Toure uu kubad ku taabasho ah lugta la waayay halka uu sidoo kale darbo xoogan goolka dushiisa si ciriiri ah ku dulmarsiiyay, iyadoo sidoo akle Silva uu kubad si halis ah ku agmariyay goolka.
Chelsea ayaana fursadeedii ugu weyneyd waxa ay heshay daqiiqadii 27aad markii afar xiddig oo iyaga ka mid ah ay weerar ku heleen labo daafac oo City ah, darbo uu goolka la beegsaday Ramires ayaa waxaa soo bixiyay Hart laakiin Willian oo fursad fiican heystay ayaa doortay inuu laba lugaaleey wax ku dhaliyo taasoo fursad dahabi ah ka qasaarisay Blues.
Shan daqiiqo ka dibna Chelsea ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta iyadoo kubad laga soo badbaadiyay Ramires oo sideeda kula qabtay Ivanovic kaasoo dhaliyay gool cajiib ahaa.

Branislav Ivanovic ayaana 15 gool ka dhaliyay Premier League waana markii ugu horeysay ee uu ku dhaliyo cagta bidix.
Daqiiqadii 44aad ayaa Chelsea ay ku dhawaatay inay ciyaarta ka dhigto 2-0, iyadoo Luiz uu si qatar ah kubada ugu guuleystay khadka dhexe waxaana uu u dhigay Hazard kaasoo karoos ka keenay dhanka bidix, waxaana helay Eto’o oo darbo xoogan ku tuuray goolka laakiin waxaa soo beenisay birta.
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaana lagu kala nastay 1-0 oo ay Chelsea ku heysay hogaanka ay u qalantay. Chelsea ayaana weerarkeeda halkeeda ka sii waday qeybtii labaad iyagoo sidoo kale fursad halis ah abuuray daqiiqadii 49aad. Hazard ayaa si cajiib ah kubad ugu soo dhex qaatay ciyaartoyda City isagoo kubada u dhigay Ivanovic oo karoos halis ah ka keenay dhanka midig waxaana badbaadiyay Hart iyadoo xiddigo badan ay xerada goolka ku jireen taasoo keentay in ugu danbeyn ay kubada kooner u baxdo.
Daqiiqadii 52aad xiddiga khadka dhexee e Chelsea Nemanja Matic ayaa darbo halis aheyd ku tuuray goolka uu waardiyaha ka ahaa Hart laakiin waxa ay kubada ku dhacday birta ka hor inta aysan banaanka u bixin.
Chelsea ayaa markii seddexaad birta garaacday daqiiqadii 66aad ee ciyaarta markii kooner la soo tuuray uu madax la helay Cahill taasoo ku dhacday birta iyadoo Hart uusan u dhaweyn inuu kubada badbaadiyo.
City ayaana bilowday inay weerarkeeda soo celiso iyadoo laad xor ah oo loo dhigay meel halis ah uu u tuuray Kolarov uu si cajiib ah uga badbaadiyay goolahey Peter Cech daqiiqadii 72aad ee ciyaarta. Iyadoo Cech uu sidoo kale dhamaadkii ciyaarta fursad qatar ah ka badbaadiyay Jovetic.
Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay 1-0 oo ay Chelsea guusha ku raacday, iyadoo natiijadan ay u saamaxday Arsenal inay hogaanka horyaalka ku dhameysato isbuucaan iyagoo leh 55 dhibcood, halka Man City iyo Chelsea ay wada leeyihiin 53 dhibcood iyagoo ku kala jira kaalimaha labaad iyo seddexaad.
Chelsea ayaana ah kooxdii ugu horeysay ee Premier Legaue ee booqata Etihad Stadium islamarkaana shabaqa soo ilaashata muddo seddex sanadood ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada