Arsene Wenger::- Mourinho Horyaalka Kuma Qaadayo Kaliya Lacag Uu Qarashgareeyay.

Arsene Wenger::- Mourinho Horyaalka Kuma Qaadayo Kaliya Lacag Uu Qarashgareeyay.

daajis.com:-Arsene Wenger ayaa sheegay in lacagta ay qarashgareysay Chelsea bishaan Janaayo inaysan wax saameyn ah ku yeelan doonin tartanka horyaalka.

Wenger ayaa kalsooni ku qaba inuusan ka qoomameyn doonin dhaqdhaqaaq la’aantiisii suuqa kala iibsiga ka dib markii uu diiday inuu Schalke siiyo lacagtii ay ku rabeen Julain Draxler ee aheyd 37 milyan ginni.
Waxa uu sidoo seegay inuu amaah ku qaato inta ka dhiman xilli ciyaareedkan weeraryahanka Juventus Mirko Vucinic.
Heshiiska kaliya ee ay Arsenal sameysay waxa uu ahaa amaah ay kula soo wareegeen 31 jirka reer Sweden ee khadka dhexe Kim Kallsrtom oo ay kala soo wareegeen kooxda Spartak Moscow.
Chelsea ayaa dhanka kale bishii Janaayo qarashgareysay 44 milyan ginni markii ay dhameystireen saxiixa 12 milyan ginni oo ay kula soo wareegeen Kurt Zouma halka ay hore u soo xerogeliyeen Namanja Matic iyo Mohamed Salah.
Laakiin Wenger ayaa yiri: “Ciyaatoyda ay keensadeen wax kala duwanaansho ah keenayaan. Durbaba waxa ay heystaan koox fiican, waxaana ay bedelayaan kaliya ciyaartoydii kooxda ka tagtay.
“Malaha waxa ay ciyaartoydaan u la soo wareegeen inay ku xoojiyaan boosaskooda madaama ay ciyaarayaan tartamo badan, waxaana laga yaabaa inay dareemeen in boosaska qaar ay u baahan tahay inay xoojiyaan.
“Caadiyan suuqa kala iibsiga Janaayo kooxaha baahida qaba ayaa kaliya ah kuwa wax soo iibsada. Inta badan kooxaha ciyaartoy soo iibsada waa kuwa horyaalka u hooseeya.
“Aad ayay u yar tahay inaad aragto kooxaha sarsarre oo ciyaartoy kala duwanaansho keeni kara soo iibsanaya.”

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada