Hordhaca:- AC Milan v Torino – Balotelli Oo Ganaax Ku Maqan Laakiin Essien Ayaa Laga Yaabaa Inuu Kulankiisii Ugu Horeysay Ciyaaro.

Hordhaca:- AC Milan v Torino – Balotelli Oo Ganaax Ku Maqan Laakiin Essien Ayaa Laga Yaabaa Inuu Kulankiisii Ugu Horeysay Ciyaaro.

daajis.com:-Dib u soo kaca Milan ee tababare Clarence Seedorf ayaa tijaabo adag la gelin doonaa marka ay caawa San Siro kula ciyaarayaan kooxda duuleysa ee Torino.
Nolosha Milan ee intii uu yimid Seedorf ayaa jamaahiirta u ah mid ay ku noolaan karaan. Labo guul oo horyaalka iyo si ciriiri ah oo ay kaga hareen Coppa Italia ayaa ilaa iyo haatan ah balanqaadka ka soo baxaya kooxda uu dib u kicinayo Seedorf.
Dib u habeynta qaab ciyaareedka 4-2-3-1 ee u ogolaanaya Milan inay la faa’ideysato awoodeeda weerar ayaa ilaa iyo haatan shaqeynaya waxaana ku faa’iday Mario Balotelli iyo Giampaolo Pazzini. Balotelli ayaa shabaqa soo taabtay kulan kasta uu Seedorf kursiga keydka fadhiyay halka Pazzini uu bilaabay inuu ku riyaaqo dhadhanka gooldhalinta ka dib muddo dheer uu garoomada ka maqnaa.
Waxaa intaas sii dheer in Diavoli ay sidoo kale ku guuleysatay inay kooxda ku soo darto Michael Essien iyo Adel Taarabt intii uu furnaa suuqa kala iibsiga.
Dhanka kale Torino ayaa xiddigeeda daafaca Danilo D’Ambrosio u dirtay Inter Milan laakiin waxa ay ku qanacsan yihiin heer ciyaareedka ay ku jiraan.
Iyadoo kaliya laga badiyay hal kulan oo ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeysay, waxaana ay awood ku leeyihiin dhanka daafaca iyo weliba sidoo kale weerar gooldhalin oo ay ku riyaaqaan, iyagoo shabaqa soo taabtay sideed jeer shantii kulan ee ugu danbeysay.
Xilli ciyaareedkii hore: Milan 1-0 Torino
Ma ogtahay: Torino ayaa ku guuldareysatay inay ka badiso ama xitaa dhibic ka qaadato Milan shantii kulan ee ugu danbeysay ay ku ciyaareen San Siro, waana arin soo jiitameysay tan iyo xilli ciyaareedkii 1990-91.
LINE-UPKA MACQUULKA AH:
Milan: Abbiati; Abate, Bonera, Rami, De Sciglio; Montolivo, De Jong; Honda, Kaka, Robinho, Pazzini
Torino: Padelli, Maksimovic, Gli


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada