Daawo Muuqaal:- Ururka Single Mother: garoobada guryaha hakasoo baxaan

Daawo Muuqaal:- Ururka Single Mother: garoobada guryaha hakasoo baxaan

daajis.com:-Urur ay ku mideysan yihiin Hooyooyinka aan la qabin (Single Mothers) oo dhawaan looga dhawaaqay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ugu baaqay Hooyooyinka Soomaaliyeed ee aan la qabin iney guryaha kasoo baxaan oo kusoo biiraan ururka Single Mothers oo dhicinaya xaquuqda ay leeyihiin Hooyooyinka aan la qabin.

Guddoomiyaha Ururka Single Mothers Sabaax Maxamed Faarax ayaa sheegtay in ku dhawaaqista Ururka Single Mothers ay ka danbeysay markii ay soo kordheen Hooyooyinka Garoobada ah, sidaasi darteedna ururkooda ay ku mideysan yihiin Hooyooyin badan oo la qabin.

Waxay sheegtay Sabaax in aysan aheyn Garoobo nin raadis ah, balse ay yihiin hooyooyin shaqeysta oo isku xeran, iyadoo tilmaamtay in ay u ololeeyaan xaquuqda hooyooyinka iyo ka hortaga tacadiyada lagula kaco Haweenka Garoobada. 

Sidoo kale Hooyooyinka guryaha ku xeran ay kasoo saaraan, kana bixiya wixii Stress ah ee haaya.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada