Ra’izul Wasaaraha Somalia oo amray Hay’addaha amniga in jawaab cad ka keenaan Duqeyntii Muqdisho ka dhacday

Ra’izul Wasaaraha Somalia oo amray Hay’addaha amniga in jawaab cad ka keenaan Duqeyntii Muqdisho ka dhacday

daajis.com:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta la kulmay hay’addaha ku shaqada leh amniga, sida Wasiirka Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed, iyo ku-xigeenadiisa, Taliyaha ciidanka Booliska Jeneraal C/xakiin Daahir Saciid Saacid, guddoomiyaha gobolka Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka, Taliyayaasha saldhigyada iyo kuwa nabadsugida.

Kulankan oo ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ayaa waxaa diiradda lagu saaray falalkii amni darrida ahaa ee ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho labadii habeen ee la soo dhaafay iyo sidii dabagal dhameystiran loogu sameyn lahaa cida ka dambeysa.

Wasiirka Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo ugu horeyntii goobta ka hadlay ayaa xusay in xalay illaa maanta ay aad ugu mashquulsanaayeen howlwadeenada ammaanku sidii jawaab cad looga keeni lahaa fowdada dhacday labadii habeen ee la soo dhaafay iyo cida iska leh mas’uuliyada dabacsanaanta amniga ee dhacday, maadaama goobaha ay ka dhaceen ay ku yaalaan saldhigyo iyo xarumo Boolis kuwaasoo loo xil saaray sugidda amniga.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed oo isna hadlay ayaa ka dalbaday hay’addaha ku shaqada leh amnigu inay jawaab ka keenaan falalkan amni darrida ah ee dhacay, kuwaasoo khal khal geliyay deganaanshiyaha shacabka, wuxuuna xusay in kooxaha nabad diidku ay ka faa’iideysanayaan habacsanaan amni oo jirta, loona baahan in la adkeeyo nabadda har iyo habeena feejignaan dheeri ah la muujiyo.

“Waan ka xumahay khal khalka iyo cabsida la geliyay shacabka labadii habeen ee la soo dhaafay, kooxaha caddowgu waxay ka faa’iideysanayaan dal daloolada amniga ee jira, waana in gacan bir ah looga hortagaa, oo ay cabsadaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ka dalbaday Wasiirka Amniga iyo taliyeyaasha amnigu inay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo dayacda waajibkeeda ka saaran sugida amniga ee loo idmaday, si aaney mar kale u soo noqon falalkan oo kale.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa kulan saacado qaatay xafiiskiisa kula yeeshay ka hor inta aanu ka qeybgalin kulankan Wasiirka Amniga Qaranka, taliyaha ciidanka Booliska iyo saraakiil kale, isaga oo kala hadlay sidii loo sugi lahaa amniga caasimadda loona dardargelin lahaa wada shaqeyn hay’addaha amniga dhexdooda ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada