Sawirro:- Xaflad sagootin ah oo Muqdisho loogu sameeyay wasiirkii hore ee Arr. dibedda Fowsiya

Sawirro:- Xaflad sagootin ah oo Muqdisho loogu sameeyay wasiirkii hore ee Arr. dibedda Fowsiya

daajis.com:-Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr.Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta xaflad sagootin ah ugu sameeyay Jazeera Hotel ee Muqdisho Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam.


Munaasabadda waxaa ka soo qeybgalay Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta H.E. Ridwan Hersi Mohamed ,Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare H.E. Duale Aden Mohamed, Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul insaanka H.E. Khadija Mohamed Dirie ,Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska Eng. Nadifo Mohamed Osman,Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga CaalamigaH.E. BuriMohamed Hamza, Wasiir  kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mahad Mohamed Salad,Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta H.E. Abdullahi Olad Roble, Xildhibaano ka tirsan Golaha baarlamaanka , Xubno ka tirsan Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha baarlamaanka,Xubno ka tirsan golaha Wasiirada Xukuumadii hore, Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda, Safiirro,diblomaasiyiin, agaasimayaasha guud ee Wasaaradda, Lataliyeyaasha,agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda,Ururada bulshada rayidka oo ay ka mid yihiin Haweenka , dhalinyarada , Saxaafadda iyo Fanaaniinta hobolada qaranka ee Waaberi.

Munaasabadda oo si heer sare ah u dhacday , ayaa waxaa hadal soo dhoweyn ugu horeyntii ka jeediyay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mahad Mohamed Salad oo xusay in ay si sharaf leh ku sagootinayaan Wasiirkii hore ee Wasaaradda H.E. Fawzia Yusuf oo uu tilmaamay in waajibkii shaqo ee loo igmaday ay gudatay.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam oo hadal ka jeedisay munaasabadda , ayaa u mahadcelisay dowladaha Uganda , Kenya , Ethiopia iyo dhammaan dowladaha xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD oo sheegtay inay taageero u fidiyeen Soomaaliya , waxa ayna balan-qaaday in wixii fikir iyo talo ah ay ku caawin doonto mas’uuliyiinta cusub ee loo soo magacaabay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga .
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr.Abdirahman Dualeh Beileh ayaa bogaadiyay waxqabadkii Wasiirkii hore ee Wasaaradda H.E. Fawzia Yusuf,,isagoo xusay in Wasaaraddiisu ka go’antahay sii horumarinta Xiriirka Caalamiga.
Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta H.E. Ridwan Hersi Mohamed oo soo xiray munaasabadda ayaa amaanay kaalinta ay cayaartay H.E. Fawzia Yusuf mudadii ay heysay xilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga , isagoo kula taliyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda inuu sii horumariyo geedi socodka siyaasadda dibadda .

Xafladda ayaa intii ay socotay waxaa heeso wadani ah ku soo bandhigay kooxda Hobolada qaranka ee Waaberi , iyadoo heesaha la soo bandhigay ay ku jirtay hees  wadani ah oo baraarujin ah oo uu horey u alifay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr.Abdirahman Dualeh Beileh, taas oo uu ku luuqeynayay fanaanka Sidi Ali Winke, halkudhigeeduna yahay “dhalinyarooy toosa”, taasoo sababtay in ka qeybgalayaashii xafladda ay aad ula dhaceen ereyada heesta iyo Musica ku larnaa , waxaanu munaasabadda ay ku soo idlaatay jawi aad u sareeya oo farxad leh.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada