Daawo Sawirada :-Heshiis Muhiim ah Maanta Kala Saxiixday Dowlada Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Daawo Sawirada :-Heshiis Muhiim ah Maanta Kala Saxiixday Dowlada Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

daajis.com:-Maddaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxaa hortiisa lagu saxiixay heshiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey. Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibedda C/Raxman Ducaale Beyle iyo Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Nicolas Kay.

Madaxweynaha oo ka hadlay munaasabadda ayaa yiri “Waxaan u mahadceinayaa guddigii ka kala socday QM iyo Dowladda oo in muddo ahba ka soo shaqeynayey heshiiskan oo ah mid sii xoojinaya xiriirka Somalia iyo QM. Dowladdu waa ka go’antahay dhaqangelinta heshiiskan labada dhinac waa saldhiga wadashqeynta iyo gar-gaarka shacabka Soomaaliyeed.”

“Waxaan ugu baaqayaa hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya inay hubiyaan in heshiiyadooda aysan dhacsaneyn, isla markaana cusbooneysiiyaan haddii uu ka dhacay. Heshiisyadu waa muhiim oo ah sharciyada muhiimka u ah wada shaqeynta iyo illaalinta danaha shacabka Soomaaliyeed.”

Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa sheegay in garyaqaanada labada dhinac ay si taxadar ah uga soo wada shaqeeyeen heshiiskan oo ah mid labada dhinacba ay ku wada qanacsanyihiin, isla markaana qeexaya waajibaadka iyo xuquuqaha labada dhinac.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada