Dood Wadaag:- Drogba Iyo Eto’o Yaa Lagu Tilmaami Karaa Xiddigii Abid Ugu Fiicnaa Afrika?

Dood Wadaag:- Drogba Iyo Eto’o Yaa Lagu Tilmaami Karaa Xiddigii Abid Ugu Fiicnaa Afrika?

daajis.com:-Marka ay Galatasaray iyo Chelsea ay ku kulmaan caawa garoonka Turk Telekom Arena, waxaa jiro doona wax ka badan booska wareega 8da Champions League oo miiska saaran.

Labada halyeey ee kubada cagta Didier Drogba iyo Samuel Eto’o ayaa ku tartami doona sharafta shaqsiyadeed.
Qaarada Afrika waxa ay soo saartay ciyaaryahano badan oo cajiib ah sannadihii u danbeysay oo ay ka mid yihiin Rabah Madjer, Kalusha Bwalya, Roger Milla, Abedi Pele, George Weah, Jay-Jay Okocha, Yaya Toure iyo Michael Essien. Laakiin malaha midkoodna halyeeyada kubada cagta ah ma gaarin heerkii ay gaareen Drogba iyo Eto’o kuwaasoo weli kooxaha ay u ciyaarayaan ku hogaaminaya tartamo waa weyn.
Isrbarbardhiga labadaan ciyaaryahan ayaa noqonaya sida tan:
Dhanka horyaalka:
Eto’o waxa uu saftay 258 kulan oo horyaal ah isagoo mudadaas ku dhaliyay 163 gool, waxaana uu mudadaas caawiye ka ahaa 48 gool kale.
Drogba waxa uu saftay 250 kulan oo horyaal ah isagoo mudadaas ku dhaliyay 113 gool, waxaana uu mudadaas caawiye ka ahaa 54 gool kale.

Dhanka Champions League
Eto’o waxa uu saftay 61 kulan oo Champions League ah isagoo mudadaas dhaliyay 26 gool halka uu caawiye ka ahaa 18 gool kale.
Drogba waxa uu saftay 73 kulan oo Champions League ah isagoo mudadaas dhaliyay 35 gool halka uu caawiye ka ahaa 9 gool kale.
Laakiin Dorgba iyo Eto’o midkee lagu tilmaami karaa xiddigii abid ugu fiicnaa Afrika?

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada