Daawo Sawirada:- Xaflad Balaaran oo lagu sagootinayay Drs. Maryan Qaasim oo Maanta Muqdisho lagu qabtay

Daawo Sawirada:- Xaflad Balaaran oo lagu sagootinayay Drs. Maryan Qaasim oo Maanta Muqdisho lagu qabtay

daajis.com:-Xafladaan oo aheyd mid heer sare loo soo agaasimay ayna ka soo qeyb galeen Wasiirka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada & Barbaarinta Mudane: Ciise Maxamed Axmed (Guraase) iyo ku xigeenkiisa Mudane Xaamud Cali Xasan laguna sagootinaye Wasiirkii hore ee Arrimaha Bulshada Drs. Maryan Qaasim ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Cabdulqaadir nuur ayaa ugu horeyntii ka warbixiye waxyaabihii u qabsoomay intii ay Drs. Maryan xilka hayse waxa uuna sheegay in caruur gaareysa 35 kun ay heleen waxbarasho lacag la’aan ah (free public schools) taas oo qeyb ka aheyd Hindisihii Aada Dugsiyada (Go-To-School), inta kumasoo kobi karo waxyaabihii ay qabatay waana mid ay taariikhda xusi doonto sidaas waxaa yiri Mudane Maxamed Cabdulqaadir Nuur Agaasimaha Guud.

Sidoo kalegoobta waxaa ka hadlay Wasiir K/xigeenka Wasaaradda Mudane Xaamud Cali Xasan asiga oo aad ugu dheeraaday faa’iidada ay Waxbarashada u leedahay u badka Soomaaliyeed waxa uuna alle ka barye in xilka loo dhiibay u fududeeyo shaqaalahana ka cidsaday in ay la shaqeeyaan.

Drs. Maryan Qaasim ooiyadana kalamado gaaban halkaas ka jeedisay ayaa u mahad celise dhamaan shaqaalhii Wasaaradda Waxbarashada& Barbaarinta ee la soo shaqeeye allena ugu barise Wasiiradda cusub xilka lagu aaminay in uu ilaah u fududeeyo, Runtii Wasaardda waa ay iiga dhaweyd lixdii Wasaaradd ee aan wareejiye xilkooda sababtoo ah waxaa jooga shaqaalo aad iigula soo shaqeeye runtiina aan ugu mahadcelinaayo dadaalki ay sameyen waxaan caruurta Soomaaliyeed u rajaynayaa in uu ilaah Waxbarashadoodii lacag la’aanta aheyd meesheeda ugu sii wado, macallimiintana waxaan ugu baaqayaa in ay qarankooda u shaqeeyaan wax walba oo ay tabanayaana waa la xalin doonaa sidaa waxaa yiri Wasiirka hore ee Wasaaradda Horumarinta Adeega Bulshada.

Ugu danbeyntii Wasiirka cusub Mudane: Ciise Maxamed Axmed (Guraase) oo xaflada soo xiray ayaa ugu mahadceliye Wasiiradii hore meesha ay wax soo gaarsiisay waxa uuna sheegay in ay meesheedii ka sii wadi doonaan, manta waa maalin taariikhi ah waxaan wasiirada u rajeynayaa in ay wadankeedau sii shaqeyso, shaqaalahana waxaan u balanqaadayaa in aan la yeesho wada shaqeyn dhaw sidii aan horay u balan qaday sidoo kale mudane Guraase ayaa intaas ku daray in ay Hindisihii Aada Dugsiyada wax hakad ku imaan doonin balan qaadayna in macalimiinta mishaaraadkooda la bixin doono uguna baaqay in ay dulqaataan.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada