Xusuusta 70 sano guurada Heesaha Soomaaliyeed:- Video Muhiim ah

Xusuusta 70 sano guurada Heesaha Soomaaliyeed:- Video Muhiim ah

daajis.com:-Sannadkaan 2014, wuxuu ku beegan yahay sannad guuradii 70-aad ee ka soo wareegtay markii ugu horraysay oo hees Soomaaliyeed la sameeyay 1944tii. Sidaa darteed waxaan qormadaan dib ugu jaleeci doonnaa fannaankii heeskii ugu horreeyay curiyay, isla markaana ku heesay, duruufahii ku kallifay, magacii heeska iyo sababta magacaasi loogu baxshay, magaaladii lagu sameeyay, iyo caqabadahii ka horyimid intaba.

Heesaha Soomaaliyeed waa gabaygii reer miyiga oo la magaaleeyay (Urbanised Poetry), waxay ka koomaan baydad dhowr ah oo ku salaysan qaafiyad ama xuruuf 18dhowr ah oo hal xaraf ka wada bilaabato.

Fannaankii ugu horreeyay oo hees curiyo wuxuu ahaa, Cabdi Deeqsi Warfaa oo loo yaqiinay Cabdi Sinimoo, wuxuu 1920-naadkii ku dhashay tuula taariikhdeedda Jaara horato oo 25 miles (45km) u jirta Boorame.Wuxuu ahaa wiilkii 4aad ee qoyska ka kooban 18 carruur ah, 9 wiil iyo 9 gabdhood.

Sida uu ku warramay Ibraahim Garabyare oo ay saaxiibbo iyo kooxba (band) ahaayeen, sannadkii 1943dii, Cabdi sinimo wuxuu magaalada Saylac ka helay shaqo wade baabuur (truck driver). Dabadeedna Cabdi oo magaalada Booraame gaari ka soo kaxeeyay ayaa dha ku banjaray, Si uu Saylac u soo gaarana waxay ku qaadatay 40 maalmood. Cabdi Sinimoo asagoo daallan ayuu Salac soo galay, gaarigii wuxuu hordhigay Maqaamka Sheekh Ibraahim Saylici. Wax lacag ah labo rubood buu ka haystay. Majin jaad ah iyo sigaar Abuu Maqas la oran jiray buu siistay.

Cabdi wuxuu qayilaad u tegay aqal ay lahayd habar badeecadda cabbi jirtay. Aqalkaa gabar uu Cabdi jeclaa oo Indhacad la oran jiray oo habarta eeddo u ahayd baa joogi jirtay. Habartu Cabdi bay ku oran jirtay gabarta baan kuu dhisi. Markuu aqalkii soo galay bay habartii tiri: Maanta deneggii baa ii yimid, badeecadda way buuri la,dahay ee ii dir wax aan ku cammiro. Cabdi oo jeebkiisu maran yahay ayaa intuu haye yiri dibadda u soo baxay asagoo wax uu yeelo garan la.

Wiil kaari (turnboy) ahaa oo labo rubbood haystay oo labo kale raadinaayo si uu labo majood u siisto ayuu ka boobay. Wuxuu la baxsaday 2dii rubbood, dabadeedna buurigii buu habartii u geeyay. Goor fiid ah, asagoo soo marqaamay buu suuqii yimid. Ninkii lacagta uu ka boobay oo garruun (club) sitaa soo doontay.

Dagaal baa foodda la isdaray. Cabdi halkaa balaayaa ka heshay, tu ka daranna waa ugu xigtay, wuxuuna ka tiriyay heesta uu ku magacaabay Balwo oo aan qormada xigta ku sharraxi doono. Waxaan idin dhaafaa heeska Balwo iyo fannaanka Ibraahim Garab yare oo ay Cabdi Sinimoo isku koox ahaayeen. Waa heeskii Soomaaliyeed oo ugu horreeyay iyadoo muuqaal ah iyo qoraal intaba oo ku saabsan Cabdi Sinimoo.




Source:warfaafiya


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada