Barcelona Oo Mar Kale Iyadoo Marti Ah La Garaacay Xilli Valladolid Ay Ka Gaartay Guul Taariikhi Ah.

Barcelona Oo Mar Kale Iyadoo Marti Ah La Garaacay Xilli Valladolid Ay Ka Gaartay Guul Taariikhi Ah.

daajis.com:-Barcelona ayaa xaalka uu ku sii xumaanayaa ka dib markii guuldarro lama filaan ah ay ka soo gaartay kooxda Real Valladolid oo marti loo ahaa kuwaasoo kooxda reer Catalans kaga badiyay 1-0.

Andres Iniesta ayaa maanta ka maqnaa Barcelona sababo shaqsi ah darteed, halka Lionel Messi uu ku soo bilowday inkastoo uu xanuunsanaa dhaawaanahan.
Kooxda martida loo ahaa ee Real Valladolid ayaana hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 17aad markii Fausto Rossi uu ka faa’ideystay kubad ay iska bixin waayeen daafaca Barcelona isagoo kubada cusjiyay shabaqa.
Messi ayaa labo fursadood helay qeybtii hore ee ciyaarta laakiin labada fursadoodba waxa ay noqdeen kuwa ku danbeeyay gacmaha goolhayaha Valladolid Villar.
Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku heysay Valladolid, iyadoo Barcelona ay qeybtii hore soo bandhigtay ciyaar aad u liidatay.
Qeybtii labaad ayaa Barcelona ayaa ku soo gashay si dardar leh iyadoo Adriano uu si ciriiri ah darbo ku agmariyay goolka Valladolid halka Messi kubad fantastik aheyd uu ka badbaadiyay goolhaye Villar.
Daqiiqadii 58aad ayaa Neymar uu ka qasaariyay Barcelona fursad uu ciyaarta ugu barbareyn karay ka dib kubad uu si qatar ah u soo ciyaaray Fabregas, xiddiga reer Brazil ayaana dusha sarre mariyay kubada isagoo kaliya 8 yard u jiray goolka.
Daqiiqadii 82aad ayaa laad xor ah uu tuuray Messi waxaa ka badbaadiyay goolhaye Villar, laakiin daqiiqadii ku xigtay Valladolid ayaa u dhawaatay inay dhaliso goolkeedii labaad iyadoo Oscar uu arkay kubadiisa oo birta ku dhacday islamarkaana banaanka u sii baxday.

Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay 1-0 oo ay ku badisay Real Valladolid, kuwaasoo guul muhim ah ka gaaray kooxda Blaugrana, waxaana guuldarada soo gaartay Barcelona ay ka dhigan tahay inay arki karaan Atletico Madrid oo caawa ka dul talaabsata haddii ay ka soo badiyaan Celta Vigo ama inay Real Madrid hogaanka uga qabato afar dhibcood haddii ay badiso berrito.
Valladolid ayaa iyadana guushaan ay gaartay waxa ay ka dhigan tahay inay banaanka uga soo baxeen seddexda kooxood ee ugu hooseysa horyaalka iyagoo leh 26 dhibcood.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada