Cali Dheere oo ka hadlay duulaanka ka dhanka ah Shabaab iyo baaq uu u diray shacabka

Cali Dheere oo ka hadlay duulaanka ka dhanka ah Shabaab iyo baaq uu u diray shacabka

daajis.com:-Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa fariin uu soo diray ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan dagaalada looga hortegayo wax uu ku sheegay caddowga soo jireenka ah ee Itoobiya.

Cali Dheere ayaa fariintiisa ku sheegay in Ciidamada Itoobiya ay ku soo duuleen sida uu yiri wilaayaatka Islaamiga ah ee ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab, isagoo tilmaamay inay dagaalamayaan inta ay nafta ku jirto qof walba oo Shabaab ah iyo umda Soomaaliyeed.

"Cadawgii soo jireenka ahaa ee Itoobiya wuxuu soo qaatay duulaan qaawan, isagoo gishan shaarka AMISOM" ayuu yiri Cali Dheere oo ku guubaabiyay shacabka Soomaaliyeed inay ka dhiidhiyaan duulaankaas.

Sheekh Cali Dheere ayaa fariintiisa kusoo qaadanayay dagaaladii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya 1964 iyo 77-kii, dagaaladaasi oo uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan u kala harin.

"Umadda Soomaaliyeed waa in ay baraarugaan meel walba oo ay joogaan dal iyo dibadda cadawga soo jireenka Itoobiya maanta garab ayuu ka helayaa gaalada caalamiga ah waa in aad dalkiina ka difaacdaan cadawgan hororka ah"ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Wuxuu Cali Dheere ugu baaqay qabiilada Soomaalida in ay si toos ah ugu soo horjeestaan faraglinta Itoobiya iyo damaca ay ka leedahay Soomaaliya.

Tan iyo markii ay ciidamada Itoobiya ka mid noqdeen howlgalka AMISOM waxaa ay kordhiyeen weerarada ay ku beegsanayaan kooxaha Shabaab oo ay kala wareegayaan goobaha ay kaga sugan yihiin gobolada dalka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada