Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan kula qaatay Muqdisho Safiirada beesha caalamka+Sawirro

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan kula qaatay Muqdisho Safiirada beesha caalamka+Sawirro

daajis.com:-Kulan looga hadlayay siyaasadda Somalia iyo amaanka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wakiilo ka kala socday beesha caalamka iyo Safiirada dalalka caalamka ka jooga Soomaaliya.

Shirkaan xasaasiga ahaa waxaa la isla soo qaaday arrimo dhor ah oo ay ka mid yihiin xaaladda xilligaan dalka ka taagan iyo mowqifka Dowladda ee ku aadan shirarka Baydhabo.
Shirkan oo albaabadu u xirnaayen saxaafaddu kama aysan qeyb-galin dibad joog ayeena ka ahayd, balse markii uu soo dhammaaday,waxaa wariyaasha la hadlay wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, C/llaahi Goodax Barre, safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’Urso iyo ergayga IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey, waxayna si isku mid ah u sheegeen in ay kulankooda ahaa mid ku saabsan xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo caalamka iyo arrimaha amniga dalka.
shir-madax-safiiro-4
“Waxaa maanta marti inoo ahaa dalalka iyo ururrada ay wada-shaqeynta naga dhexeyso,waxaay shir la qaaten madaxda ugu saraysa dalka, waxaana kala hadalnay arrimo ay ka mid yihiin dariiqa loo marayo siyaasadda Soomaaliya sannadkan 2014-ka, waxaan kaloo isla soo qaadnay arrimaha Baydhabo iyo wixii ka dhacay iyo sidii heshiiskii lagu gaaray Kismaayo ee lagu dhisay maamulka Jubba sidii loo hirgelin lahaa,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka.
Sidoo kale safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’Urso oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Midowga Yurub ay garab taagan yihiin sidii loo hirgelin lahaa qorshayaasha ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay ku xaliso arrimaha amniga iyo ka shaqeynta horumarinta dalka.
shir-madax-safiiro-1
Ugu dambeyn waxaa isna hadal goobta ka jeediyay Ergeyga urur goboleedka IGAD Maxamed Cabdi Afeey oo hoosta ka xariiqay in ay garab taagan yihiin dadaalladda ay dowladdu ku xasilineyso amniga caasimadda, isagoo sheegay in Muqdisho ay tahay muraayadda dalka, 
shir-madax-safiiro-2shir-madax-safiiro-3shir-madax-safiiro-5shir-madax-safiiro-6
 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada