DAAWO SAWIRADDA:- Qaabka uu u shaqeeyo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo

DAAWO SAWIRADDA:- Qaabka uu u shaqeeyo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo

daajis.com:-Hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom ee Dowladda Soomaaliya ka taageeraaya la dagaalanka Al Shabaab iyo xasilinta goobaha laga saaro Ururkaasi, ayaa dayactir ku sameeyay Garoonka Magaalada Kismaayo.

Garoonka Magaalada Kismaayo, ayaa waxa uu burbur xoogan ka soo gaaray dagaaladii sokeeye ee dalka halakeeyay 20-kii sano ee la soo dhaafay.
Xilligaan, ayay suurta gashay in dayactir ballaaran lagu sameeyo Garoonka, sidoo kalana la dhiggo qalabkii uu u baahnaa Garoonka, ee ay kaga hawlgali lahaayeen Shaqaalihii loo igmaday.
Muuqaal ahaan Garoonka Kismaayo, ayaa waxaa kaaga baxaaya in wax weyn iska bedelay, marka aad eegto 27-kii September ee sanadkii 2012-ka, oo ay si buuxdo ula wareegeen Ciidamada Amisom iyo kuwa Maamulka Jubba.
Sidoo kale billihii la soo dhaafay, ayaa waxaa Garoonka Kismaayo ka degganaayay diyaarado kooban, kuwaa oo ujeedooyin kala duwan kaga caga dhiganaayay.
Garoonka waxaa sidoo kale xilligaan si rasmi ah kaga hawlgala diyaaradaha rakaabka u kala qaadaaya Magaalooyinka ugu waaweyn ee dalka.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada