Ciidamada Sierra Leone oo qarax lagula eegtay Kismaayo

Ciidamada Sierra Leone oo qarax lagula eegtay Kismaayo

daajis.com:-War goordhow naga soo gaaray magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in xaafada Dalcada qarax Miino lagula eegtay Kolonyo katirsan Ciidamada Sierra Leone ee halkaas ku sugan.

Goob joogayaal, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in khasaaro soo gaaray ciidamada AMISOM, balse aan si dhaba loo xaqiijin karin inta uu gaarsiisanyahay.


Ciidamada la qarxiyey ayaa waxa la sheegay inay fureen rasaas xoogan waxaana xaaladu ay tahay mid hakisay dhaq dhaqaaqii ganacsi iyo isku socodka dadka xaafada Dalcada gaar ahaan halkaa loo yaqaano Isgoyska Faadumo Daahir.

Magaalada Kismaayo ayaa waxa mudooyinkii dambe ka dhacayey falal amniga lidi ku ah,xalay waxa magaaladaasi gaar ahaan xaafada Farjano lagu dilay nin darawal ahaa iyadoo labo habeen ka hor isla Kismaayo lagu dilay Ugaas Xuseen Haafoow.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada