Ciidamo Itoobiyaan horleh oo gaaray gobolka Gedo iyo welwel ay muujiniyan dadka deegaanka

Ciidamo Itoobiyaan horleh oo gaaray gobolka Gedo iyo welwel ay muujiniyan dadka deegaanka

daajis.com:-Cabsi xoogan oo ka taagan qeybo ka tirsan gobolka Gedo iyo cidamo Itoobiyaan ah oo gaaray halka.

Wararka naga soo gaarayo gobalka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaas ay ka soconayaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah xarakada  Al-Shabaab ee  ku sugan gobalkaas.

Gudoomiye ku xigeenka Gobalka Gedo Cabdi Bare Cabdi oo la hadlaayay Idaacadaha magalada Muqdisho ayaa  sheegay in ay isu  diyaariyeen  dagal ka dhan ah ciidanka Al-Shabaab oo looga saarayo goobaha ay kaga suganyihin  gobalka Gedo.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa intaa ku daray in ciidamada Itoobiyaan ah oo ka tirsan AMISOM in ay soo gaareen Garbahaarey waxa uuna cadeeyay in ay dagaal  toos oo wadajir ah ku  qaadi doonan  ciidamada Al-Shabaab.

Waxa kale uu  xaqiijiyay in dagaalka ay si wadajir ah u qaadi doonaan ciidamada Itoobiya, Kenya oo AMISOM ka wada tirsan  iyo militariga  Soomaaliya  iyaga oo dadaalo ugu jira gacan ku dhigista deegaanada gobolka oo ay ka taliyaan xarakada Al-shabab.

Ciidamada ayaa la filiyaa  in dagaalka ugu horeeya ay ku qaadi doonaan magaalooyinka  Buurdhuube iyo Baardheere oo ay ku xooganyihin Ururka Al-Shabaab.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada