War Deg Deg Ah:- Dagaal Culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowlada iyo Al-Shabaab oo hada socda

War Deg Deg Ah:- Dagaal Culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowlada iyo Al-Shabaab oo hada socda

daajis.com:-Wararka aan ka heleyno Degmada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa sheegaya in duleedka Degmadaasi uu hada kasocdo dagaal Culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa kasocda deegaanka Birta Dheer ee kuyaala Duleedka Degmada Garbahaarey , Wararka aan halkaas ka heleyno ayaana sheegaya in dagaalka uu uu yahay mid culus oo la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan.

Sargaal katirsan Ciidka Dowlada oo kusugan Gobolka Gedo ayaa seegay in duulaanka ay iyagu qaadeen dagaalkana hada uu yahay mid socda ayna rajeenayaan waqtiyada soo aadan in ay ka adkaadaan Dagaalyahanada Al-Shabaab.

Wali lama oga qasaaraha kala gaaray ciidamada Dagaaladamaya ee katirsan Dowlada iyo AL-Shabaab iyo waiba dadka kusugan deefaanka lagu dagaalmayao ee Birta Dheer, mana jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Saraakiisha labada dhinac ee dagaalka hogaamineysa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada