Daawo Sawirada:- Shirkadda Facebook oo Qaarada Afrika u Diyaarineysa Diyaarad gaar ah oo Cadceeda ku shaqeysa +warbixin.

Daawo Sawirada:- Shirkadda Facebook oo Qaarada Afrika u Diyaarineysa Diyaarad gaar ah oo Cadceeda ku shaqeysa +warbixin.

daajis.com:-Diyaaraddan oo 60 mitir baladhkeedu yahay oo ay ku rakiban yihiin 3,00 baalal cadceeda soo jiidanaya ah waxay awood u leedahay inay soo saarto 7 kw oo koronto ah, waqtiyada maalintiina cadceedda kaydsanaysa si ay habeenkii ugu duusho.

Shirkadda Facebook, ayaa ku hawlan sidii ay u samayn lahayd diyaarad cadceedda ku shaqaysa, taasoo internet xawaarihiisu sarreeya keenta qaaradda Afrika si isticmaalka shabakaddaasi kor ugu kaco.

Tallaabadan ayaa dad badan iyo dalal badan walaac ka muujiyeen, iyagoo ka cabsi qaba in hawlo basaasnimo laga fuliyo xagga cirka, taasoo laga yaabo in hawsha shirkadda Facebook ku talo jirtay ay hakad gasho.

Mashruucan ayaa sida saraakiisha Facebook sheegeen waxa ku baxaya lacag dhan $60 milyan oo dollar oo ay ku iibsanayso diyaarad shirkad Titan Aerospace oo xarunteedu tahay magaalada Texas ee dalka Maraykanka samaysa, isla markaana tamarta cadceedda ku shaqaynaysa muddo shan sanno ah oo aan mar qudha dhulka la soo fadhiisinayn, iyadoo ujeeddada ka dambaysaa tahay in 5 bilyan oo qof oo aan awood u lahayn inay internet helaan loo fududeeyo helista internet fudud oo jaban.

Mareegta TechCrunch, ayaa daabacday in shabadaha dadku ku kulmaan shirkada leh oo waqtigan ku bahoobay inay internetka maamulaan ay diyaaradanna uga dan leeyihiin inay meelaha baadiyaha ah ee qaaradda Afrika internetka ku gaadhsiiyaan iyo meelo kale oo dunida ah oo aan laga aqoon isticmaalkiisa.

Sidoo kale, waxay shirkaddu xustay inay danaynayso isticmaalka diyaaradda nooceedu yahay Solara 60m, taasoo awood u leh inay 65,000 fuudh oo muddo shan sanno ah cirka duusho.
Diyaaraddan oo 60 mitir baladhkeedu yahay oo ay ku rakiban yihiin 3,00 baalal cadceeda soo jiidanaya ah waxay awood u leedahay inay soo saarto 7 kw oo koronto ah, waqtiyada maalintiina cadceedda kaydsanaysa si ay habeenkii ugu duusho.

Shirkadda Google, ayaa qorshaynaysa inay qalab hawo ka buuxdo oo sida biibiilayaasha ah hawada u dirto si ay goobaha baadiyayaasha ah ee dunida ugu dirto internet fudud.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada