Daawo Sawirada:- Booliska Puntland iyo Galmudug oo la mideeyey iyo howlgallo wadijir ah oo ay Gaalkacyo ka bilaaben

Daawo Sawirada:- Booliska Puntland iyo Galmudug oo la mideeyey iyo howlgallo wadijir ah oo ay Gaalkacyo ka bilaaben

daajis.com:-Howlgallo ay kawada qeyb-qaadanayan laamaha ammaanka gaar ahaana booliska maamullada Puntland iyo Galmudug,ayaa magaalada Gaalkacyo ka bilowdey,kulan lugu mideynaey booliska labada maamul ayaana maanta ka dhacay saldhigga booliska Galmudug.
Wada-shaqeynta ka dhaxeysa xilligan mas’uuliyinta labada maamul ee Galmudug iyo Puntland,waxaa lugu sheegay inay xilligan marayso meeshi ugu xooggana kaddib markii maanta ay si wadajir ah ugu dhawaaqen in booliska labada maamul loo mideyey si ay u fuliyaan holwgallo lugu xaqiijinayo amniga Gaalkacyo.

Kulan maanta ka dhacay saldhigga booliska Galmudug,waxaa ka qeyb-galay labada guddoomiye gobolka ee Puntland iyo Galmudug,waxaana waheliyey taliyaasha ciidanka ee labada dhinac,waxaana ay sheegen inay si buuxda gacan isaga siinayan adkeynta amniga Gaalkacyo,taaso la sheegay inay kentay cabsida ay ka qabaan Galmudug iyo Puntland in xubno ka mid ah dagaal-yahannada Al-shabaab ay ku soo dhuntan deegaannadoda.

Cabdullahi Shire taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee dhinaca Puntland,ayaa kulanka ka sheegey in waqtigan la joogi xilligi lagawada shaqeyn lahaa ammaanka,maadaama uu sheegay inuu jiro duullan ka imaan kara kooxo uu ku sheegay inay ka soo horjeedan ammaanka Gaalkacyo.

Waxuu sheegay,Cabdullahi Shire inay doonayan sidii ay u bilaabi lahaayeen howlgallo mideysan oo ay kula dagaallamayan cidkasta oo amniga caqabad ku ah,waxaana inta ku daray inay iska dhicin doonan Al-shabaab oo ay la-dagaallami doonan.











FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada