Saraakiil Soomaali ah oo loo diyaariyay la Dagaalanka Argagaxisada oo Maanta Garoonka Aadan Cadde kasoo dagay

Saraakiil Soomaali ah oo loo diyaariyay la Dagaalanka Argagaxisada oo Maanta Garoonka Aadan Cadde kasoo dagay

daajis.com:-Waxaa Maanta garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho lagu soo dhaweeyay 20-sargaal oo katirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliya, Somaliland iyo kan maamulka Puntiland , kuwaa oo Dalka Talyaaniga ugu soo dhamaaday Tababar dhinaca Ciidanka ah.

Wasiirka Maaliyada Xukuumada Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane iyo Safiirka Talyaaniga u fadhiya Dalka Soomaaliya Andrea Mazzella ayaa saraakiishan Soomaaliyeed maanta si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Danjiraha dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maanta dalka ay dib ugu soo celiyeen saraakiil ciidan oo muddo tababar ku soo qaatay dalka Talyaaniga, isagoo sheegay in arrintaasi ay gacan ka geysteen Wasaaradaha Arrimaha dibedda iyo Gaashaandhiga ee dalka Talyaaniga.

Danjire Andrea Mazzella ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada booliska oo ka kooban 20 sargaal laga kala keenay magaalooyinka Garoowe, Hargeysa iyo Muqdisho, kuwaasi oo uu tilmaamay in la baray ilaalinta canshuuraha berriga, is difaacidda, ilaalinta xuduudaha, la dagaalanka argagixisada iyo kuwa kale.

“Tani waxa ay gundhig u tahay sida lagu xaslin karo xaaladda guud ee dalka, dowladda Talyaaniga waxaa ka go’an in ay sii xoojiso taageerada Soomaaliya, si loo helo nabad iyo xasilooni, wasaaradda difaaca ee Talyaaniga waxa ay dooratay in saraakiil ka tirsan ciidamada dalkaasi ay qeyb ka noqdaan ciidamada Midowga Yurub ee tababarka siinaya ciidadamada qalabka sida ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka. Kasoo baxay

Waa markii ugu horeesay Talyaaniga Saraakiil Soomaaliyeed oo ka kala socda Maamulada dalka ka jira u qaado tababar la xariira la Dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada , waxaana qeybo badan oo Soomaaliya ka dagaalama dagaalyahano la sheegay in ay katirsan yihiin Kooxaha lagu sheego Argagaxisada.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada