Daawo Sawirada:- Howlgal lagu soo qabtay Waxyaabaha qarxa iyo rag katirsan Al-Shabaab oo laga sameeyay Magaalooyin katirsan Puntilan

Daawo Sawirada:- Howlgal lagu soo qabtay Waxyaabaha qarxa iyo rag katirsan Al-Shabaab oo laga sameeyay Magaalooyin katirsan Puntilan

daajis.com:-Ciidamada Maamul Goboledka Soomaaliyeed ee Puntiland ayaa howlgalo ay ka sameeyeen saacadihii lasoo dhaafay Magaalooyinka Gaalkacyo , Garawe iyo Boosasao waxa ay gacanta kusoo shigeen rag la sheegay in ay katirsan yihiin Al-Shabaabka ka dagaalama Deegaanada Puntiland iyo Waxyaabaha qarxa.

Wasiirka amniga Puntland Xasan Cismaan Maxamuud Aloore oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoow ayaa sheegay in Ciidamada amaanka Puntikand ay gacanta ku dhigeen 20-nin oo katirsan Al-Shabaab iyo waxyaabaha qarxa ay heesteen.

“Ciidamadu waxaa ay howl-galadaas fuliyeen iyagoo kaashanaya shacabka sharafta leh ee reer Puntland, waxaana lagu soo qabqabtay dad tiradoodu gaarayso 20 qof, qalab iyo agab kale oo ay wateen, kuwaas oo doonayey inay fuliyaan falal Argagixiso oo ka dhan ah dowladda iyo shacabka reer Puntland.” Ayuu yiri wasiirka Amniga Aloore.

Howlgalka ay sameeyeen Ciidamada Puntiland oo la sheegay in wali ka socdaan Magaalooyin kuyaala Puntiland ayaa sidoo kale waxaa lagu soo qabtay Bambooyin, fiilooyin iyo qalab kale oo loo adeegsado waxyaabaha qarxa. .

Ciidamada Puntiland ayaa heegan la galiyay tan iyo waxiika dambeeyay markii Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM howgalo wada jir ah ka bilaabeen qaar kamid ah Gobolada Dalka , Puntiland ayaana ka cabsi qabta firxadka Al-Shabaab in deegaanadooda soo galaan.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada