Jose Mourinho:- Oo La Xiriiray Weeraryahanka PSG Ezequiel Lavezzi.

Jose Mourinho:- Oo La Xiriiray Weeraryahanka PSG Ezequiel Lavezzi.

daajis.com:-Sport Witness ayaa ku warameysa in tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho uu xiriir shakhsiydeed la sameyay weeraryahanka Paris Saint Germain Ezequiel Lavezzi iyadoo ay wararka inta ku darayan inuu kala hadaly mustaqbalkisa Paris.

Jose Mourinho ayaa qorsheynaya inuu Paris Saint Germain ka soo afduubto xiddiga reer Argentine Ezequiel Lavezzi, marka uu dhamado xilli ciyaaredkan, waxana soo baxaya warar sheegaya in xiddigan uu dhankisa ka doonayo inuu isaga tago PSG.

Paris Saint Germain ayaa xiddigan ku soo iibsatay aduun lacageed gaaraya 25 Milyan oo Ginni oo uu kaga soo dhaqaaqy kooxda Serie ka ciyaarta Ee Napoli, wuxuna xiddigan wajahaya xiriir xumo kala dhaxeyda tababare Laurent Blanc.

Jose Mourinho ayaa xiddigan kala hadaly mustaqbalkisa kooxda ku ciyaarta gegeda Parc Des Princess Ee PSG waxayna u muuqata in xiddigan uu isaga tagi doono iyadoo Chelsea ay tahay kooxda kaliya Ee lala xiriirinayo Ezequiel Lavezzi.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada