Daawo Sawirada:- Gantaalo ay isku duqeeyeen labada kuuriya ee Kuuriya Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed.

Daawo Sawirada:- Gantaalo ay isku duqeeyeen labada kuuriya ee Kuuriya Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed.

daajis.com:-Waxaa Mar kale soo cusboonaaday Xiisada ka dhaxeysa labada Dal ee Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed , kadib markii Kuuriyada Waqooyi gantaalo ku riday Jaziirado hoos taga Kuuriyada Koonfureed.

Gantaalo la sheegay in ay soo tuureen Ciidamada Waqooyiga Kuuriya ayaa maanta kusoo dhacay biyaha Jaziirado ay maamusha Koonfurta Kuuriya, taas oo keentay in dhankooda iyana ay ku jawaabaan duqeyn kale.

Dadka ku dhaqan Jaziiradaha hoos taga Koonfurta Kuuriya ayaa la daad gureeyay ,ka gadaal markii Waqooyiga Kuuriya bilaabeen dhool tus iyo in ay tijaabiyaan gantaalo.

Duqeymha ay maanta is dhaafsadeen labada Kuuriya ayaa lasoo warinayaa in aysan ka dhalan wax qasaaro ah , waxaana la tilmaamay in dhamaan Duqeymaha ku dhaceen dhinaca biyaha .

Koonfurta Kuuriya iyo Ciidamada Mareykanka ayaa tobaadyadii lasoo dhaafay waxa ay sameeyeen dhoolo tus mailatari , Dowlada Waqooyiga Kuuriya ayaa dhankeeda tilmaantay in dhoolo tuska ay hada sameenayaan uu jawaab u yahay kii ka horeeyay.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada