Daawo Sawirada:- Nin Curyaan ah oo u dhashay Dalka Itoobiya oo dhigay Rikoor Dunida ku Cusub

Daawo Sawirada:- Nin Curyaan ah oo u dhashay Dalka Itoobiya oo dhigay Rikoor Dunida ku Cusub

daajis.com:-Nin Curyaan ah oo dhashay Dalka Itoobiya ayaa dhigay Rikoor dunida ku Cusub, kadib markii uu ka qeyb galay tartanka lagu ordayo gacmaha oo isbuucii hore lagu qabtay Magaalo yar oo kutaala Dalka Jarmalka.

Ninkan Ninkan Cuuryaanka ah ah ee dhigay Rikoorka cusub, waxaa lagu Magacaabaa Tameru Zegeye, waa 32-sano jir u dhashay Dalka Itoobiya , waxa uu ka qeyb galay tartanka gacmaha lagu ordo oo lagu baratamayay ilaa 100-mitir .

Tameru Zegeye ayaa orday isaga oo ku ordaya biraha ay Curyaamiinta ay ku socdaan , waxa uuna xaga sare u jeediyay lugahiisa sida Sawirada idinkaga muuqata , waxana uuna 100-kii Mitir ee la ordayay uu ku orday 56-il biriqsi.

Ninkan Itoobiyaanka ah ayaa hada loo qoray in uu Heesto Rikoorka ugu sareeya ee tartanka gacmaha lagu ordo ee ka qeyb galaan dadka naafada ah, waxa uuna ninkan hada kusoo biiray dad badan oo Dunida caan ka noqday oo dhigay Rikooro kala duwan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada