Puntiland oo taageertay una hambalyeesay mid kamid ah Maamulada looga dhawaaqay Magaalada Baydhabo

Puntiland oo taageertay una hambalyeesay mid kamid ah Maamulada looga dhawaaqay Magaalada Baydhabo

daajis.com:-Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntiland ayaa Hambalyo iyo Bogaadin u diray Madaxweynaha Cusub ee dhawaan loo doortay in uu Hogaamiyo Maamulka Sadaxda Gobol ka kooban ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Maxamed Xaaji Cabdi Nuur .

War Qoraal ah oo kaso baxay Madaxtooyada Puntiland ayaa lagu taageeray Maamulka Sadaxda Gobol ka kooban ee Baydhabo lagu dhisay , waxana Puntiland ay sheegtay in Maamulkaasi ku yimid rabitaanka dadka degan Goboladaasi ayna soo dhaweenayaan ka maamul ahaan Maamulka Cusub ee Koonfur Galbeed.

‘’Dawlada Puntland waxay si diiran ugu hambalyeynaysaa shacabka koonfurta galbeed ee Soomaaliya ee samaystay maamul goboleedka cusub, maamulkaas oo si dhamaystiran oo cadaalad ah ay usoo doorteen dadka deegaanku. Dawlada Puntland waxay mar walba soo dhawaynaysaa nidaamka federalka ee ku imanaya rabitaanka shacabka soomaaliyeed in uu ka hirgalo gebi’ahaanba Soomaaliya, si loo helo xasilooni iyo nabad gelyo waarta oo ka taabaqaada Soomaaliya.” Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Puntiland

Puntiland ayaa u balan qaaay Maamulka uu Hogaamiyo Maxamed Xaaji Cabdi Nuur in ay ka taageerayso waxii waayo aragnimo iyo farsamo ah uu u baan yahay Maamulka Cusub, waxa ayna Puntiland Beesha Caalamka iyo Dowladaha arimaha Soomaaliya daneeya ugu baaqday in ay taagaaraan Maamulka Cusub.

Hadalka taageerada ah ee kasoo baxay Maamulka Puntiland, ayaa imaanaya xili Magaalada Baydhabo ay kusugan yihiin Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya kuwaa oo u kala dabqaadaya labada Maamul ee looga dhawaaqay Magaalada Baydhabo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada