Dowlada Soomaliya oo gacanta ku dhigtay rag ka tirsan Al-shabab oo Muqdisho ka dhoofayay

Dowlada Soomaliya oo gacanta ku dhigtay rag ka tirsan Al-shabab oo Muqdisho ka dhoofayay

daajis.com:-ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya oo soo bandhigay dhalinyarro ka tirsan Xarakada Al-shabab.

Hay’adda Nabad sugidda Qaranka ayaa maanta soo bandhigtay rag  ka tirsan Xarakada Al-Shabaab, kuwaasoo lagu soo qabtay howlgallo ciidanku ay ka wadeen magaalada Muqdisho maalmihii ugu dambeeyay.


Madaxda sirdoonka dowlada waxay saxaafada u soo bandhigtay siddeed ruux oo ay ku eedeysay in ay ka tirsanyihin Al-shabab. 

Sida ay xaqiijisay hay’adda nabad sugidda ragga qaarkood ayaa la soo qabtay xilli ay doonayeen in ay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, kuna socdeen gobollada waqooyi galbeed Soomaaliya iyo deeganka soomaalida Itoobiya.


Dhalinyarada lasoo qabqabtay ayaa qirtay in ay ka tirsanyihiin Xarakada Al-shabaab xilli ay wareysi siinayeen raadiyaha dowladda, sheegeenna in ay doonayeen in ay ka baxsadaan magaalada Muqdisho.


Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya aya muddooyinkii dambe howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo ammaanka ka waday magaalada Muqdisho taas oo dad u badan dhalinyaro kusoo qabqabtay.
 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada