Waxaan Guursaday Hooyo Iyo Gabadheeda: Wiil Soomaali Ah Oo Qiso Yaab Iyo Amakaag Badan Ku Dhacday Uga Sheekeeyay

Waxaan Guursaday Hooyo Iyo Gabadheeda: Wiil Soomaali Ah Oo Qiso Yaab Iyo Amakaag Badan Ku Dhacday Uga Sheekeeyay

daajis.com:-C/laahi Xasan waxa uu ku nool-yahay magaalo Xeebeedka Mombasa ee caasimadda labaad ee Dalka Kenya,waxaana uu ka sheekeeyay qiso yaab iyo amakaag badan oo filanwaa iyo ceeb ku noqotay.

Wiilkan ayaa sheegay in sanadkii 2009-kii ay isku barteen magaaladda Mombasa Haweenay xusul-baruur ah oo ka da’weyn,taasoo muddo kadib u soo bandhigtay inay jeceshay oo ay qarashka arooska iyo masruufkiisa bixinayso hadii uu ka aqbalo inuu guursado,waxayna Haweenaydan ka timid Dalka Ingiriiska C/laahi oo muddo ka war-wareegay inuu Haweenaydan guursaddo ayaa markii dambe duruufo-xumo la soo deristay dhanka dhaqaalaha go’aansaday inuu guursaddo, wuxuuna sheegay inay markii dambe  aqal-galeen.

4-sanno kadib ayaa waxaa dhacday inay Facebook iska bartaan Gabar magaceeda uu noogu sheegay Ubax,iyagoo muddo bilooyin ah sheekeysanayay,waxayna markii dambe Ubax la dhacday C/laahi, iyadoo Hooyadeed oo Ingiriiska joogta oogu sheekeysay inay Holland fasax saaxiibadeed ugu tagayso,laakiin waxay timid Mombasa, waxayna si hoose isku guursadeen C/laahi,iyadoo Ubax aysan ka warheyn C/laahi inuu yahay ninka Hooyadeed qaba,waxaana ugu darnaa sariirtii Hooyadeed ayey ku wada seexdeen.

3-bil kadib ayaa Habartii oo Ingiriiska ka-timid odeygeedii u timid,waxaana ay Ingiriiska horey u soo qaadatay Albumka sawiradda lagu keydiyo,iyadoo habeenkii dambe C/laahi u yeertay si ay u tusto sawirada caruurteeda,iyadoo u tilmaantay sawirka Ubax ee curadeeda ah,markii uu arkay naxdin iyo wadno-xanuun baa ku dhacay.

Isla habeenkii sawiradda ay Habarta tusaysay ayaa waxaa soo wacday gabadhii Ubax,waxayna u sheegtay inay doonayso inay barto Hooyadeed oo Mombasa oo ku qabo nin Oday ah.

C/laahi  sheekadan inooga sheekeeyay ayaa sheegay in habeenkiiba uu go’aansaday inuu asxaabtiisa u yeero,wuxuuna furay Habartii oo ku ooyneyso ha u furin waan ku jeclahay,iyadoo dharka tuurtay iskuna yaacday jacel-daran u qabto wiilkan ayay Ingiriiska dib ugu laabatay.


Ilaa iyo hadda gabadha ma uusan furin,balse waxaa uu diidan-yahay sida uu noo sheegay inuu isku habeen furo Hooyadan iyo Gabadheeda sida xun u wada  jeclaaday wiilkan C/laahi oo Qisaddan yaabka leh ay ku qabsatay magaalo Xeebeedka Mombasa ee Caasimadda labaad ee Dalka Kenya,isagoo jecel Gabadha uu Hooyadeed furay wuxuuna ka fekerayaa inuu iyada furo?mise inuu iska heyto,maadaama uu Hooyadeed uu furay oo Diinta Islaamka aysan qabin Hooyo iyo Gabadheeda inuu hal nin wada qabo.


Tallo: fakirkaada ka dhiibo miyuu furaa gabadha mise waa uu qabaa sidee ayaad kula dalin laheyd???

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada