Kenya: Qaxootiga haku noqdaan xeryaha

Kenya: Qaxootiga haku noqdaan xeryaha

daajis.com:-Dowladda Kenya ayaa ku amartay qaxootiga Soomaalida ee ku nool magaalooyinka in ay dib ugu laabtaan xeryaha loo qoondeeyay ee Kaakuma iyo Dhadhaab.
Wasiirka arrimaha gudaha, Joseph Ole Lenku, ayaa soo saaray amarka sheegaya "hubin degdeg ah oo lagu sameeyo ammaanka."

Waxaa jiray rabshado dhowr ah oo ka dhacay gudaha Kenya bilihii ugu dambeeyay, kuwaas oo ay ku lug lahaayeen kooxo xagjir ah oo loo maleynayo in ay isbahaysi la leeyihiin kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta.
Axadii, dabley wajiga soo xiratay ayaa waxa ay qarxiyeen kaniisad ku taala magaalada Mombasa, iyagoo si aan kala sooc laheyn xabado ugu furay kulanka. Shan qof ayaa dhimatay.
Ilaa hadda, qaxootiga naftooda maareyn kara ama u baahan waxbarasho gaar ah ama daryeel caafimaad loo ogolaaday in ay ku noolaadaan magaalooyinka.

Ammaanka daraadii

Afhayeenka wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya, Mwenda Njoka, ayaa sheegay sababta ay u tallaabada u qaadeen in ay tahay sababo dhanka ammaanka la xariira.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidammada ammaanka ay diyaar u yihiin in ay hubiyaan in haddii aanay u hogaansamin ammarka dib loogu celin doono xoog ama qasab.

Tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii bishii Sebteembar lagu qaaday xarunta laga dukaameysto ee Westgate, ee magaalada Nairobi, Kenya ayaa waxay diiradda saartay dhaqdhaqaaqa qaxootiga Soomaalida.
Guddi barlamaani ah oo ka shaqeeya arrimaha ammaanka iyo difaaca ayaa horay ugu baaqay in qaxootiga Soomaalida ay dib ugu laabtaan xeryaha loogu tala galay.
Hay'adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo kuwa u dooda qaxootiga ayaa Kenya ku cambaareeyey amarkaasi.

xigasho:BBC

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada